Statewide (Somali)

Hagaha codbixiyaha: Eeg mowqifyada muhiimka ah ee musharixiinta hantidhowraha Minnesota
Ololaha daahsoon ee hantidhowraha gobolka waxa uu u dhexeeyaa Julie Blaha oo ah DFL oo hadda haysa xilka iyo tartame Ryan Wilson oo ah GOP metala Maple Grove. Horraantii Sebtembar afti ayaa lagu soo ogaaday in tartankoodu yahay mid aad u adag oo Blaha ayaa ku hoggaamineysa hal dhibic keliya.
Hagaha Codbixiyaha: Eeg xoghayaha gobolka Minnesota mawqifyada murashixiinta ee doorashada
Xoghayaha gobolka Minnesota ee hadda waa Steve Simon, oo waa Dimuquraadi ooo waxaa xafiiska loo doortay 2014 ka horna wuxuu ka soo shaqeeyey Aqalka Wakiillada ee Minnesota. Waxaa tartan adag kula jirta Kim Crockett, oo ah Jamhuuri iyo qareen aan waligeed qaban xil ah xafiis dadweyne.
Hagaha codbixiyaha: Ogow mowqifyada murashixiinta u taagan guddoomiyaha gobolka Minnesota
Guddoomiyaha xilka haya oo ah DFL Tim Walz, Jamhuuri Scott Jensen iyo afar murashax oo kale ayaa u tartamaya guddoomiyaha gobolka Minnesota doorashada guud ee dhici doonta 8da Nof. Halkan waxaa ku qoran halka ay ka taagan yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee dadka Minnesota.