Hagaha Codbixiyaha: Eeg xoghayaha gobolka Minnesota mawqifyada murashixiinta ee doorashada

Two portraits, a woman on the left, a man on the right
Murashaxa ah Jamhuuri Kim Crockett (bidix) iyo Xoghayaha Arrimaha Gobolka ee DFL Steve Simon Sawirradan Waa Amaah
Courtesy Images

Xoghayaha gobolka Minnesota ee hadda waa Steve Simon, oo waa Dimuquraadi ooo waxaa xafiiska loo doortay 2014 ka horna wuxuu ka soo shaqeeyey Aqalka Wakiillada ee Minnesota. Waxaa tartan adag kula jirta Kim Crockett, oo ah Jamhuuri iyo qareen aan waligeed qaban xil ah xafiis dadweyne.

Murashixiintu waxay inta badan diiradda saarayaan faallada iyo doodahooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyagoo guud ahaan ka fogaanaya arrimo kale oo kulul oo uusan xafiisku saameyn ku lahayn, sida ilmaha la iska soo rido iyo dambiyada.

Halkan waxaa ku qoran qaar ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee murashax kasta ka taagan yahay xuquuqda codbixinta iyo hufnaanta doorashada.

Doorashadii 2020

Kim Crockett (R): Waxay tiri doorshadii 2020 waa lagu “shubtay.” Bishii Jannaayo wareysi ku saabsan doorashadii 2020, waxay tiri “Uma maleynayo ereyga 'sharci-darro' in uu aad ugu xoog badan yahay.” Mar wax laga weydiiyey muuqaal ay isugu yeertay “dafiraha koowaad” ee doorashadii 2020, Crockett waxay sheegtay in la weeciyey macnaha hadalkeeda, iyo in ay kaftan ka ahayd sida ay warbaahintu wax u dhigtay. Weliba waxa kale oo ay sheegtay in ay dad badan oo ah dadka Minnesota walaac sharci ah ka qabaan daacadnimadii doorashada.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Steve Simon (D): Simon waxa uu sheegay in ay doorashooyinkii Minnesota ahaayeen kuwa u dhacay si caddaalad ah oo ay dadkuna aad ugu kalsoon yihiin inay maamulku si joogto ah ugu hoggaamiyaan in ay dadku codeeyaan. Simon waxa kale oo uu ku soo qoray Twitter, “Waa gef weyn oo aad looga xumaado in la iska yiraahdo in doorashooyinkii “lagu shubtay” iyo “sharci-darro” - iyo in la is barbardhigo isbeddelka xeerarka doorashada iyo weerarkii argaggixisada ahaa ee 9/11 ee dalkan ka dhacay,” isagoo tixraacaya hadal ay tiri Crockett.

Doorashooyinka xilliga dhexe ee sannadkan 

Crockett: Mar ayaa la weydiiyey dood ka socotay WCCO in ay aqbali doonto natiijada doorashada soo socota iyo in kale, Crockett waxay diidday in ay ka jawaabto oo waxay tiri, “Weli ma joogno meeshaas. Toddobaadyo ayaa nooga harsan. Waa inaan aragno waxa dhici doona inta u dhaxeysa ee ah hadda iyo xaqiijinta doorashada”. Markii dambe intay ka noqotay ayey tiri “Waan aqbali doonaa natiijada doorashada 2022, guul ama guuldarro, balse waxay intaas ku dartay “Marka la eego kalsoonida aan ku qabo maamulka doorashada ee 2022, taasi waa su’aal kale oo aan ka jawaabi doono doorashada ka dib.”

Simon: "Habka doorashada ee Minnesota koox daacad ah ayaa ka shaqeysa. Xafiiskeena, xafiiska xoghayaha arrimaha gobolka door ayuu ku leeyahay,” Simon ayaa sidaas ku sheegay doodda. Laakiin sidoo kale dawladaha hoose ayaa iyaguna door ku leh. Koox ahaan ayaan u wada shaqeynaa. Waa in aan hawsha isku taageerno, oo waxaan si joogto ah ula xiriirnaa meelaha aan wada shaqeyno, xafiisyada heer magaalo iyo ilaa heer deegaan si loo wada xaqiijiyo wax kasta, oo waxaan u diyaargarownay sidii aan ahayn doorashadii 2020.”

Xuquuqda codeynta iyo codbixiyaha 

Crockett: Waxay u sheegtay BallotPedia in ay rabto in “shuruud laga dhigo aqoonsi sawir leh iyo xaqiijinta codbixiyaha; in layareeyo 46-maalmood ee doorashada horumariska ah; in la hubiyo liiska codbixiyeyaasha; in shuruud laga dhigo guddoonka xisbiyada oo u dheellitiran hawsha codbixinta horumariska; in la mamnuuco santuuqyada lagu rido waraaqaha codbixinta iyo in uu qof kale gudbin karo codbixinta dadka; in dibu-eegis lagu sameeyo qalabka casriga ah ama teknoolajiga codeynta; in la sameeyo baaris teelteel ah doorashada ka dib; in dadka shuruud looga dhigo caddeynta dhalashada si ay u codeeyaan.” Dooddii WCCO, waxay ku sheegtay in diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ah isla maalinta doorashada, oo ay Minnesota ku haysato ixtiraam in ay tahay arrin sabab u ah inay kordhaan codbixiyeyaasha, “inay wiiqeyso dareemista caddaaladda iyo kalsoonida aan ku qabi karno nidaamka oo dhan muddo dheer.” 

Simon: Dooddii WCCO, Simon wuxuu sheegay in sharciga aqoonsiga codbixiyuhu ee Minnesota uu yahay mid aan loo baahneyn oo uu meesha ka saarayo codbixiyeyaasha xaqa u leh. Minnesota waxaa la diiday in wax laga beddelo dastuurka 10 sano ka hor, taas oo ahayd in shuruud laga dhigo aqoonsi codbixiye oo sawir leh.