Hagaha codbixiyaha: Ogow mowqifyada murashixiinta u taagan guddoomiyaha gobolka Minnesota

Six people in a collage
Bidix ilaa midig, Tim Walz, Gabrielle Prosser, Steve Patterson, Hugh McTavish, James McCaskel iyo Scott Jensen. Lixdaas murashax waxay u tartamayaan jagada Guddoomiyaha Gobolka Minnesota ee xilligan doorashada dhexe ee 2022. Sawirro aan ka soo ergannay
Courtesy photos

Guddoomiyaha xilka haya oo ah DFL Tim Walz, Jamhuuri Scott Jensen iyo afar murashax oo kale ayaa u tartamaya guddoomiyaha gobolka Minnesota doorashada guud ee dhici doonta 8da Nof.

Murashixiinta xisbiyada yar yar waxaa ka mid ah Steve Patterson oo ka socda Xisbiga Grassroots-Legalize Cannabis Party ee Minnesota, Hugh McTavish oo ka socda Xisbiga Independence-Alliance Party, James McCaskel oo ka socda Xisbiga Legal Marijuana Now, iyo Gabrielle Prosser oo ka socota Xisbiga Socialist Workers Party. 

Halkan waxaa ku qoran halka ay ka taagan yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee dadka Minnesota.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Soo-rididda ilmaha

Tim Walz: Wuxuu taageeraa xuquuq ah in ilmaha la soo rido oo wuxuu soo saaray wareegto amar ah oo uu sheegay in llmaha la soo ridayo ay ka mid tahay caafimaadka taranka ka dib markii sharci ahaan looga noqday go'aankii dalka oo dhan ee ahaa in ilmaha la iska soo ridi karo ee Roe v. Wade. Amarka uu soo saaray waa mid sharci ahaan ilaalinaya dadka Minnesota uga imaada gobollada kale in ay helaan adeegyada caafimaadka taranka sida in ilmaha la soo rido. 

Scott Jensen: Wuxuu sheegay bishii saddexaad ee Maaj in uu “isku dayi doono in uu mamnuuco ilmaha la soo ridayo,” laakiin ka dib markii laga noqday go'aankii Roe v. Wade wuxuu ku daray in “ay gebi ahaanba ka reebban yihiin kufsiga iyo isu-galmoodka dadka aan geyaanka isu ahayn” iyo “haddii ay jirto khatar ay ku jirto haweeney uur leh caafimaadkeeda maskaxeed ama jir ahaaneed, markaas xaaladdu ma noqoneyso mid sharci ahaan la isugu diidi karo. Arrintan waa mid shakhsiyeed oo u dhaxaysa bukaanka iyo dhakhtarka, oo waa in aan sameyno wax kasta oo aan awoodno si aan u ilaali karno caafimaadka iyo nolosha haweeneyda uurka leh.”

Saaxiibkiis Matt Birk oo u ah ku-xigeen ayaa si heer qaran ah loogu dhalleeceeyey bishii Juun faallo uu ka sheegay Shirweynihii Qaranka ee Xuquuqda Noolaanshaha. Birk wuxuu yiri dhaqanka Mareykanka “cod dheer oo sidoo kale ah qarsoodi ah ayaa lagu dhiirrigelinaya in ilmaha la iska soo rido” oo “haweenkii ayaa loo sheegayaa in ay hal dhinac eegaan, oo waa in ay yeeshaan aqoonta lagu shaqeysto.”

Steve Patterson: Wuxuu taageersan yahaya in ay xuquuq tahay in ilmaha la iska soo rido oo wuxuu ku qoray bartiisa intarnetka, “Haddii ay tahay ilaalinta sharciga dastuurka ee koowaad iyo labaad, sharciyeynta marijuana, ama in la soo celiyo in haweenku fursad u haystaan in la soo rido ilmaha uurka ku jira. Waxaan aaminsanahay in ay xorriyad kasta noo tahay lagama maarmaan.”

Hugh McTavish: oo TikTok sannadkan soo geliyey fiidiyow, waxaa uu soo jeediyay in la soo saaro sharci goboleed oo ah xeer ka dhan ah go'aankii laga noqday ee Roe v. Wade iyo in ay haweenku xuquuq u yeeshaan in ay si sharci ah isaga soo ridaan ilmaha ay uurka ku sidaan. 

James McCaskel: Wuxuu Twitter ku soo qoray bishii Ogoosto “Xukumidda Shahwada Iyo Ragga In Xabsi La Dhigo Marka Aysan Daryeeli Karin Carruurtooda. Waa Sida Ay Raggu Sheegtaan Markay Dhahayaan Sharci Ma Aha Uurka La Soo Rido.”

Gabrielle Prosser: Waxay taageertaa in ay xuquuq tahay in ilmaha soo rido. “Dagaalka loogu jiro xuquuqda ah in ilmaha la iska soo rido waa qeyb ka mid ah dagaalka xuquuqda taranka iyo qorsheynta qoyska, oo dhanka kale taasina waa hal weji oo keliya marka la eego dagaalka loogu jiro xornimada haweenka. Weliba dagaalka loogu jiro xornimada haweenka waxa uu gebi ahaanba ku xiran yahay waa dagaal lagu xoojinayo qoysaska shaqeeya, muhiimad ah in shaqaalaha magangelyo looga helo nidaamkan hantigoosadka ah ee dhibaatada badan,” ayuu yiri Prosser oo la hadlaayey wargeyska The Militant.

Dambiyada, booliska iyo badqabidda dadweynaha

Walz: Waxa uu dhawaan ku baaqay inay sharci-dejiyeyaashu ku taageeraan kharash badqabidda dadweynaha iyo in dambiileyaasha ciqaab adag lagu xukumo, oo kuleylihii dhawaa waxa uu u xilsaaray ciidanka Daraawiishta Gobolka Minnesota in ay booliiska Magaalooyinka Mataanaha ah ku caawiyaan hawlaha nabadgelyada. Bishii Jannaayo wuxuu soo jeediyey miisaaniyadda gobolka oo ay ku jirto $300 oo milyan oo doollar oo loogu talagalay badqabidda dadweynaha, laakiin sharci-dejiyeyaasha gobolka ma aysan ansixin ka hor intuusan dhammaan kalfadhigii sharcidejinta.

Jensen: Bishii Juunyo, wuxuu soo bandhigay qorshe lagula dagaallamayo dembiyada oo ay ku jiraan xukun xabsi oo dheer oo loogu talagalay dambiileyaasha sameeya gacan-ka-hadalka, in ciidanka Daraawiishta Gobolka la geeyo MEELAHA dambiyadu ku badan yihiin iyo in si degdeg ah Ciidanka Keydka loo geeyo meelahaas “ka hor intaan waxba dhicin haddii loo baahdo marka sirdoonka laga helo macluumaad” la xiriira in uu dhici karo kacdoon. 

Patterson: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

McTavish: oo TikTok soo geliyey fiidiyow, McTavish waxa uu kororka dambiyada dhawaanahan ku eedeeyay dhallinyarada iyo dadka ay da'doodu tahay 20tameeyada, oo wuxuu sheegay Walz inuu sababay markuu aad u dheereeyey xiritaankii iskuullada, kulleejyada iyo goobaha shaqada intii nagu faafayey xanuunkii COVID-19. Waxa kale oo uu Twitter ku soo qoray in halkii la shaqaaleyn lahaa ciidan booliis oo badan, in la eryo booliiska “xun” oo la beddelo.

Bartiisa intarnetka wuxuu ku soo qoray, “Waxa keliya oo ay tahay in dadka wax laga mamnuuco waa haddii ficilkoodu dhib ku yahay dadka kale, ee ma aha haddii ay dadku naftooda oo keliya dhibaato isu geystaan. Sidaas awgeed, in la cabbo sigaarka, aalkolada, iyo in marijuana loo isticmaalo in lagu raaxeysto waa in ay ahaadaan wax sharci ah oo aan marna cashuur la isaga qaadin, sababtoo ah inta badan dhibaatada waxay ku dhaceyso waa qofka isticmaalaya, balse dadka kale wax dhib ah kama soo gaarayo.”

McCaskel: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Prosser: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo ay dhawaan arrintan uga soo jawaabtay.

Siyaasadda dhaqaalaha iyo canshuuraha

Walz: canshuurta waa uu kordhiyey oo waana uu yareeyey afartii sano ee uu joogay xafiiska guddoomiyaha gobolka. Sannadkiisii ugu horreeyay, wuxuu isku dayey in uu kordhiyo canshuurta shidaalka iyo canshuurta magaalooyinka ee waxyaabaha la iibsado oo qeyb ka ahaan lahayd si loogu adeegsado kaabeyaasha gaadiidka, laakiin qorshahaas waxa uu soo mari waayey waaxda Sharci-dejinta. Sannadkii 2021, wuxuu soo jeediyey kordhinta canshuurta dakhliga ee dadka mushaarkoodu aad u sarreeyo ee gobolka — dadka uu dakhligoodu ka sarreeyo $1 milyan. Arrintaasna sidoo kale lama yeelin.

Laakiin sannadihii la soo dhaafay, wuxuu sidoo kale taageeray canshuur in la yareeyo oo sharci ahaan ayuu u saxiixay in xoogaa la jaro cashuurta dakhliga. Intii lagu jiray kalfadhigii ugu dambeeyey, Walz wuxuu soo jeediyey lacag hal-mar la bixiyo Arrintaasna waa socon weyday. Ka dib waxa uu heshiis la galay xubnaha DFL ee Aqalka Wakiillada iyo xubnaha Guurtida ah ee Jamhuuri si loo yareeyo canshuurta dakhliga iyo in la joojiyo canshuurista Lacagta Hawlgabka, balse qorshahaasna sidoo kale waa laga mashquulay.

Jensen: Wuxuu sheegay in uu kharash badan ku baxo guddoomiyaha gobolka ee Minnesota, oo waxa uu soo jeediyey in sidaan ognahay hadda la joogo wakhtigii la baabi'in lahaa xeerka canshuuraha. “Waxaan si adag u eegeynaa sidii aan meesha uga saari lahayn canshuurta dakhliga shakhsi ahaaneed,” Jensen ayaa u sheegay shirweynihii Xisbiga Jamhuurigaga ka hor inta uusan helin taageerada xisbigiisa bishii Meey. 

Bishii Juun, wuxuu soo saaray qorsheyaal cashuureed oo dheeraad ah
oo qoraal ahaa, isagoo sheegay in uu ku dedaalayo in uu canshuurta ka yareeyo ugu yaraan $5,000 qoys kasta oo ka kooban afar qofood oo Minnesota ku nool iyo uu si buuxda u rabo in laga noqdyo canshuurta gobolka ee Lacagta Hawlgabka. Waxa uu hore u soo jeediyay in la hakiyo canshuurta gobolka ee shidaalka ee halkii gaaloon ee ah 28.6 senti. 

Steve Patterson: “Angoo ahaa milkiile meheradeed ayaan khasaaray
oo sababtuna waxay ahayd Gud. Walz oo xayiraado ku soo rogay dhaqaalaha, waxaa iga go'an in aan hubiyo in mudnaan la siiyo oo la ilaaliyo meheradaha yaryar,” ayuu ku soo qoray bogga fikradaha ee wargeysa Bulletin Boostada ee Rochester. Waxa kale oo uu sheegay in gobolku dhiirrigeliyo dadka si ay u shaqeystaan, sida in cashuurta laga yareeyo shaqaalaha shaqeeya in ka badan 40 saacadood toddobaadkii.

McTavish: “Ma daneeyo waxsoosaarka guud ee dhaqaalaha; waxaan daneeyo waa celceliska dakhliga iyo hantida qofka iyo dakhliga iyo hantida boqolkiiba 90ka ugu hooseeya ee dadkeena,” ayuu ku qoray bartiisa intarnetka.

McCaskel: Wuxuu twitter ku soo qoray, “Waxaan Si Aad Ah Ugu Sii Kobcin karnaa Dhaqaalaheena Waa Inaan Si Badqabid Iyo Masuuliyad Ku jirto u Sharciyeyno Marijuana.”

Prosser: “Sidaan u maleynayo, dareenka ururrada shaqaalaha waa mid weyn oo taageeraya dagaalka shaqaalaha, balse ma ah wax daruuri ah,” ayey tiri Prosser, sida uu sheegay wargeyska Worthington Daily Globe. “Taasi waa sababta aan xoogga u saarno taageeridda shaqaalaha… waxa aan rabno waa xisbigeena shaqada inuu u tartami karo awoodda siyaasadeed.”

Waxbarashada 

Walz: Sannadkii uu Walz la wareegay xafiiska, gobolku wuxuu ilaa $9.6 bilyan ku kharash gareeyay waxbarista hore ee carruurta ilaa waxbarashada fasalka 12aad. Balse hadda waxay noqotay in ka badan $10.4 bilyan sannad-maaliyadeedka hadda socda — hase ahaatee qorshe lagu sii kordhinayo boqollaal milyan oo doollar oo dheeraad ah ayaa Golaha Sharcidejinta hakad ku jira. Walz waxa uu sheegay in uu qoshahaasi tahay mid bilow ah oo keliya.

Qoraal uu soo geliyey Twitter sannadkan, In a Tweet sanadkan, Walz wuxuu yiri, “Anigoo ahaa macallin iskuul oo hore in ka badan 20 sano, waxaan ogahay in ay waxbarashadu fure u tahay fursadaha dhaqaalaha. Qorshahayaga ballaarinta dhaqaalaha waxa uu macalimiinta Minnesota ka dhigi doonaa kuwa dalka oo dhan ugu mushaarka badan.”

Heerarka qalinjebinta ee ardeyda Minnesota guud ahaan si weyn u taagnaayeen intii uu xafiiska joogay Walz. Waxaa weli jira farqi u dhexeeya ardeyda caddaanka ah iyo kuwaan caddaanka ahayn.

Jensen: Bishii Sebtembar, wuxuu soo saaray qorshe waxbarasho oo ka kooban 10 qodob oo uu ku baaqayo in si fiican loogu fuliyo sharciyada ardeyda iskuulka ka maqnaata, oo wuxuu rabaa in diirad weyn la saaro siyaabo loo cabbiro heerarka aqoonta xisaabta, wax-akhriska, seyniska iyo culuunta bulshada. Wuxuu rabaa in iskuullada si fiican loo qalabeeyo si ay ula tacaalaan carruurta ku nool deegaamo ay ka jiraan rabshado ama dhibaatooyin ah caafimaadka dhimirka.

Waxaa laga yaabaa in ay waxa ugu muhiimsan yihiin kala-doorashada iskuulka iyo sida ay waalidku ugu lug leeyihiin. Jensen wuxuu rabaa in waxyaabo cusub lagu sii daro ogeysiinta waalidka iyo fikrado ah waxa ilmaha la barayo iyo waxa laga yaabo in laga fogeeyo; oo wuxuu sheegay in dhinac xun loogu fogaanayo casharrada ku saabsan isirka iyo dhaqanka. Kala-doorashada uu soo jeedinayo waxay leexineysaa xoogaa lacag ah oo aadi lahayd dugsiyada dadweynaha dhinacyada deeqaha waxbarashada ama qoysaska raba in ay si xor ah u kala doortaan waxbarasho ku fiican, sida iskuullada kaniisadaha.

Patterson: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

McTavish: Inta badan qodobbada uu uga hadlo fagaareyaasha wuxuu diiradda saaraa dhalleeceynta xayiraadihii COVID-19, sida xiritaankii iskuullada, laakiin MPR News ma soo helin jawaabo uu ka bixiyey sida ay waxbarashada hadda ku socoto.

McCaskel: Wuxuu bishii Diseembar ku soo qoray Twitter “Waa Wax Lagu Qoslo In Buundo Fiican La Iska Helo Iyo In La Iska Cafiyo Deynta Waxbarashada @POTUS.”

Prosser: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo ay dhawaan arrintan uga soo jawaabtay.

Bey'adda iyo isbeddelka cimilada

Walz: Waxa uu rabaa in boqolkiiba 100 korontada Minnesota laga dhaliyo tamarta nadiifka ah marka la gaaro sannadka 2040. Wuxuu soo gudbiyey qorshihiisa cimilada bishii Sebtembar isagoo ku qeexay siyaabaha lagu dhimi karo dhibaatada qiiqa gaaska hawada lagu sii daayo oo uu ka dhigay lix yool oo waaweyn: gaadiid nadiif ah iyadoo la kordhinayo baabuurta korontada ku shaqeysa ee mareysa jidadka Minnesota in ay noqdaan boqolkiiba 20 marka la gaaro sannadka 2030; cimilada dabiici ah in la tixgeliyo mar kasta oo dhulka laga shaqeynayo; dadweynuhu in ay wax ogaadaan; tamar nadiif ah iyo dhismeyaal u fiican bey'adda; nolol iyo bulsho caafimaad leh; iyo in dhaqaale lagu helo si nadiif ah.

Jensen: Wuxuu rabaa in uu gobolka ka qaado xayiraadda saaran dhisidda warshad nuyuukleer ah iyo iyada xeerarka “baabuurta aan qiiqa lahayn” oo ah wax aan wali shaqeyn balse sameyn leh oo u baahan doonaan warshado soosaara iyo goobo badan oo iibin doona baabuurta korontada ku socda ee Minnesota. Waxa kale oo uu doonayaa in uu dhiso iskaashi dawladeed iyo mid gaar loo leeyahay si loo horumariyo tamarta laga soo saaro haraaga looxda aan la isticmaalin ee waqooyiga Minnesota, iyo horumarinta gaaska hawada laga helo ee Minnesota si looga soo saaro tamar.

Patterson: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

McTavish: Waxa uu ku sheegay TikTok fiidiyow uu soo dhigay in uu rabo “inuu kalabar gobolka ku celiyo bay'ad dabiici ah. Waxaan rabaa inaan arko lo' gisi duurka dhex mushaaxeysa koonfurta gobolka.” Bartiisa intarnetka ayuu ku sheegay in ay arrintan xal u tahay dunida kululaaneysa, oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah labadii dhibaato ee ugu waaweyn ee soo mara taariikhda aadamaha.

McCaskel: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Prosser: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Beer-falashada iyo miyiga Minnesota

Walz:Gudd Walz. Miisaaniyadda Guud. Walz waxay hoos u dhigtay cashuurta guryaha ee beeraleyda ka dib markuu saxiixay sharci la filayo in uu keeno ku dhawaad $200 oo milyan oo doollar oo ah cashuur laga dhaafayo beeraleyda Minnesota.”

Sannadkan, Walz waxa uu saxiixay xeerka maalgelinta beeraha oo ay ku jirtay $18.4 milyan oo doollar oo lagu daboolo khasaarihii beeraleyda ka soo gaaray abaartii sannadkii hore, iyo sidoo kale lacag loogu talagalay in dhulka miyiga ah lagu wada gaarsiiyo intarnet.

Jensen: Wuxuu sheegay in ay xeerarku dhaawacayaan miyiga Minnesota. Bartiisa intarnetka, waxa uu qoray qorsheyaal lagu “soo nooleynayo miyiga Minnesota” oo ay ku jirto in la sameeyo amar fulineed oo faraya in ay hay'adaha gobolku si hufan uga jawaabaan codsiyada oggolaanshaha, kordhinta maalgelinta lagu dhisayo jidad badan oo ku yaalla miyiga, ballaarinta mashaariic isku xiraya miyiga Minnesota iyo intarnetka, iyo in la hagaajiyo Bilowga Cashuur-dhaafka Beeraleyda.

Patterson: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

McTavish: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

McCaskel: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Prosser: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Hubka

Walz: Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wax badan la sameeyo si loo hubiyo in uusan hubku gelin gacmo aan masuul ahayn. Wuxuu meesha ka saaray soojeedin ah baaritaan dheeraad ah oo shakhsiyeed ama in ay culeys tahay in si ku meelgaar ah hubka looga qaado dadka qalalaasaha ku jira.

“Anigoo ah nin muddo dheer qori lahaa, iyo nin ka ag dhawaa hub milatari, iyo qof ilaa maanta leh qori, waxaan dhib u arkaa in la sameeyo baarita shakhsi ahaaneed, ama in la sameeyo sharciyo digniin ah oo aan dadka ka qaadeyn xuquuqda dastuuriga ah, arrintaas ma fahmi karo,” Walz ayaa sidaas yiri, isagoo raaciyey, “Waxaan u maleynayaa qorsheynta aaska ee ilma sagaal jir ah in ay tahay dhib badan hadda.”

Jensen: Markii uu ku jiray golaha Sharci-dejinta, Jensen xeerarka uu wax ka soo qoray waa baaris taariikheed ee dadka iibsanaya hubka iyo in dadka shuruud looga dhigo in ay soo sheegaan marka qoryahooda la xado. Xeerarkaas lama ansixin. Tan iyo markaas wuxuu beddelay mawqifkiisii oo wuxuu noqday nin si adag u taageera hubka ay dadku haysan karaan. Wareysi keydsan ama podcast ayaa sannadkii hore Jensen la weydiiyey haddii uu saxiixi lahaa in baarista shakhsiyeed la soo marsiiyo dadkoo dhan. Jensen wuxuu ku jawaabay, “Maya ma saxiisayo.” Muuqaallo ah fiidiyowyo taxane ah oo ku jira bartiisa intarnetka, wuxuu sheegay in uu haysto lix qori oo wuxuu ku eedeeyay dawladda in ay keydineyso rasaasta, marka guddoomiye ahaan wuxuu raba inuu “ogaado waxa ku dhacay rasaasta.”

Patterson: Qoraal aaraa'diisa ah oo uu soo dhigay wargeyska Bulletin Boostada ee Rochester, wuxuu qoray “Waxaan taageersanahay Qodobka Labaad ee dastuurka dalka iyo fulinta sharciga. Si aad ah ayaan u aaminsanahay himiladeyda ah in aan Minnesota ka dhigo gobol ay dadka guryahoodu u noqdaan Qalcadda Difaaca Shakhsiyeed.”

“Qalcadda Difaaca Shakhsiyeed” waa fikrad ah in ay dadku xaq u leeyihiin inay hub isku difaacaan marka uu qofka ku soo weeraro guryahooda — oo “qalcad” waa macnahaas. Sida ay sheegeen Ururweynaha Goleyaasha Sharci-dejinta Gobollada, ugu yaraan 28 gobol ayaa haysta sharciyo ay ku sii ballaarinayaan fikradda harcigaas, oo waafaqsan “in aysan jirin sabab waajibineysa in dib uu uga gurto marka qof lagu soo weeraro goob kasta oo uu ku joogo sifo sharci ah.” Minnesota mama mid aha gobolladaas; dadka gobolkan waxa uu sharci ahaan waajib ku ah in ay dib uga gurtaan xaalad kasta oo khatar ah haddii ay suurtogal tahay.  

McTavish: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

McCaskel: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Prosser: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Daryeelka caafimaadka 

Walz: Ka dib markay soo baxday warbixin ah dayacaad baahsan iyo in ay xadgudubyo ka dhaceen xarumaha daryeelka dadka ee Minnesota iyo baaris dabagalid ah oo ay golaha sharci-dejintu ku ogaadeen cillado waaweyn oo ah wax laga rabay in uu maamulka gobolka ka warhayo, Walz wuxuu saxiixay sharci 2019 kaas oo ahaa dibu-habeynta daryeelidda wayeelka iyo dadka qaangaaray ee nugul ee Minnesota oo dhan. Waxa kale oo uu ka shaqeeyey sharci lagu kordhinayo daahfurnaanta kharashka daawada la isu qoro oo waxaa lagu saxiixay “Sharciga Helidda Insulin ee Alec Smith” si loogu caawiyo dadka Minnesota ee la halgamaya in ay iska bixiyaan kharashka cirbadda insuliin 

Horraantii sannadkan, Walz iyo Flanagan waxay soo saareen qorshe oo waxaa lagu sameynayaa fursad ah “Iibsashada ceymiska MinnesotaCare si ay ceymis caafimaad u helaan dadka Minnesota ku nool ee aan haysan caymiska caafimaadka, iyo sidoo kale dadka Minnesota ee haysta ceymis balse dhibaatada ku qaba in ay iska bixiyaan kharashaadka qeybta iyaga laga rabo.” Waxa kale oo uu soo jeediyey “maalgelin si qoto dheer loogu baaro sida daryeelka aasaasiga ah ee bilaashka ah loo qaban karo dhammaan dadka Minnesota oo dhan.”

Jensen: Waxa uu si adag uga soo horjeedaa daryeelka caafimaadka ee ah halka ceymis ee Minnesota, oo mararka qaarkood la yiraahdo “Qof kasta Ceymiska Medicare.” Wuxuu taageersan yahay daahfurnaanta kharashka ee goobaha caafimaadka iyo isbitaallada, balse qeyb buu ka ahaa xeerka insuliinta qiimaha jaban.

Patterson: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

McTavish: Waxa uu TikTok soo geliyey fiidiyow uu ku yiri, markuu noqdo guddoomiyaha gobolka wuxuu soo jeedin doonaa “in ay kharashka bukaanka ee goobaha daryeelka caafimaadku noqdaan kuwa isku mid ah marka laga reebo khidmadaha laga dhimo dadka dakhligoodu yar yahay,” iyo inay “haystaan liis ah lacagta ay dadka ku dallacayaan” ee howlaha qalliinka, iyo inay “dadka u sheegaan in ay ka aqbalayaan ceyymiskooda iyo in kale.”

McCaskel: Qoraal uu soo dhigay Twitter, mar uu qof weydiiyey mawqifkiisa ku aaddan daryeelka caafimaadka ee hal goob iyo in ilmaha la iska soo ridi karo, waxa uu ku jawaabay, “Qof Kasta Waa Inuu Helo Fursadda Noolaanshaha Hadday Tahay Daryeelka Caafimaadka Ama Hadday Tahay Waxbarashada, Arrinta Qolka Jiifka Waa Inay Noqotaa Mid Qarsoodi Ah Ee Ma Aha Welwel Khuseeya Madaxda La Doorto Gaar Ahaan Ragga!”

Prosser: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo ay dhawaan arrintan uga soo jawaabtay.

Arrimaha socdaalka 

Walz: Minnesota waxay leedahay taariikh dheer oo ah soo-dhaweynta qaxootiga, oo arrintaas ayuu Walz taageersan yahay. Wuxuu yiri ”Soogalootigu waxay noo xoojinayaan dadka gobolka. Waxaan u mahadcelineynaa qof kasta oo Minnesota ka dhigta meel uu ku noolaado.” Wuxuu ku dhawaaqay 26ka Oktoobar in ay noqoto maalinta Dhexgalka Soogalootiga ee Minnesota.

Jensen: Mar la weydiiyey gobolka Minnesota in ay tahay in lagu “khasbo” in ay aqbasho qaxootiga, Jensen wuxuu yiri ”Haddii aan rabno inaan dad qaabilno, waa in aan awoodno in aan noloshooda daryeeli karno. Waxba igama gelin haddii laga hadlayo ilmo agoon ama rajay ah, ama of qaxooti ah. Arrintan gebi ahaan waa mid khaldan,” oo “Waxa aan dhab ahaantii wax badan hoos u dhigeyno waa nolosha dadka Minnesota, oo dawladdu — ama dawladda federaalka ah — xaq uma laha in ay arrintaas nagu khasbaan.”

Patterson: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

McTavish: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

McCaskel: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Prosser: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Doorashadii 2020

Walz: Waxa uu ku adkaystay natiijada doorashadii 2020 in ay ahayd mid u dhacday si caddaalad iyo sax ah. Wareysi uu 3dii Jan, 2022 la yeeshay MPR News, weriye Cathy Wurzer, Walz waxa uu yiri “Waxaa jira tiro badan oo ka mid ah Xisbiga Jamhuuriga oo aaminsan in ay [dimuquraadiyaddu] khatar ku jirto sababtoo ah doorashadii ayaa la xaday. Hadalkaasna run ahaantii uma hayaan wax ay ku muujiyaan. Wax caddeyn ah uma hayaan. Marka sidaas looga beensheego nidaamka doorashada, waa wax welwel keenaya.”

Jensen: Madaxweyne Joe Biden sannadkii 2020 waxa uu Trump kaga adkaaday Minnesota toddobo dhibcood. Mar la weydiiyay in uu rumeysan yahay in doorashada 2020 “laga xaday” Donald Trump, Jensen wuxuu yiri “Anigu ma hayo wax aan ku ogaan karo.” Horraantii sannadkan, Jensen waxa uu soo jeediyay in xoghayaha arrimaha gobolka ee Dimuqraadiga ah in xabsi loo dhigo iyadoo sababtu tahay sida uu uga shaqeeyey nidaamka doorashada ee gobolka.

Patterson: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

McTavish: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

McCaskel: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Prosser: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Associated Press, iyo sidoo kale xiriiriyaha MPR News Matthew Alvarez iyo tafatire Kaila White ayaa gacan ka geystay xogta qoraalkan.