Hagaha codbixiyaha: Eeg mowqifyada muhiimka ah ee musharixiinta hantidhowraha Minnesota

Dos personas con traje azul, posan una a lado de la otra.
Julie Blaha, bidixda, iyo Ryan Wilson.
Courtesy photos

Ololaha daahsoon ee hantidhowraha gobolka waxa uu u dhexeeyaa Julie Blaha oo ah DFL oo hadda haysa xilka iyo tartame Ryan Wilson oo ah GOP metala Maple Grove. Horraantii Sebtembar afti ayaa lagu soo ogaaday in tartankoodu yahay mid aad u adag oo Blaha ayaa ku hoggaamineysa hal dhibic keliya.

Waayahay, muxuu qabtaa Hantidhowraha Gobolka? “Xafiiska Hantidhowraha Gobolka waxa uu kormeeraa dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee dawladaha hoose ee Minnesota oo wuxuu xisaabxir ku sameeyaa dowladda hoose iyo dibu-eegista waraaqaha, xogta, warbixin kasta, iyo cabashooyinka loo soo gudbiyo xafiiska,” sida ku qoran barta intarnetka ee xafiiska. Xafiisku wuxuu u kuurgalaa xogta maaliyadeed ee dawladaha hoose oo dabadeedna waxay ka dhigtaan aasaaska warbixinta ay soo saarayaan.

Hantidhowruhu wuxuu sidoo kale wakiil ka yahay dadweynaha guddiyada ku lug leh arrimaha sida maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha, guriyeynta iyo hawlgabka.

Blaha, waxay shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaadatay St. Cloud State, oo waxay shahaado sare oo ah waxbarashada ka qaadatay jaamacadda St. Mary’s ee gobolka Minnesota, waa macallimad hore oo dhigi jirtay xisaabta dugsiga dhexe. Waxay gaartay in ay noqoto guddoomiyaha ururka macallimiinta ee Anoka-Hennepin Education Minnesota. Blaha ka dib waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xoghayaha khasnadda u qabata 300,000 oo qof ee xubnaha Minnesota ee ururweynaha shaqaalaha ee AFL-CIO. Waxaa xilka loo doortay hantidhowrka sannadkii 2018, oo waxay 6 dhibcood kaga adkaatay Pam Myhra oo ah Jamhuuri.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Barta intarnetka ee ololaha Blaha, waxa ay ku sheegtay in ay kordhisay dhaqaalihii dib loogu soo celin lahaa shaqadi aan la qaban 15-kii sano ee la soo dhaafay, dibu-soocelinta xiriirka gobolka oo ay ku jiraan miyiga iyo in ay joojisay in si shirkad si gaar ah loo leeyahay la wareegto hawsha hantidhowrka guud ee gobolka.

Wilson waa aasaasihii iyo maamulihii hore ee Symbios Clinical, shirkad sameysa qalabka caafimaadka oo fadhigeedu yahay Blaine. Waxa uu kaalinta koowaad uga qalinjebiyey Kulleeja Culuunta Sharciga ee Mitchell Hamline. Wargeysyo dhowr ah ayaa sheegay in uu Wilson yahay qareen ku xeeldheer dastuurka. Sannadkii 2020 Qareennada Trump ayuu ku biiray isagoo isu-xilqaamay in uu noqdo ilaalada maalinta doorashada. Waxa kale oo uu shahaado ah MBA ka qaatay Jaamacadda Minnesota Carlson School of Management. Wilson waa xaas oo waxaa aabbe u yahay shan carruur ah.

Wilson wuxuu sheegay in uu doonayo in uu keeno dareen ah “hawlkarnimada shaqada” ee Xafiiska.

Laba murashax oo metalaya xisbiyo yaryar xisbiyada sharciyeynta xashiishka — Tim Davis oo ka socda Legal Marijuana Now Party iyo Will Finn oo socda Grassroots-Legalize Cannabis Party ee Minnesota, oo Minnesota Reformer ayaa sheegay in uu si dhab ah wax u beddeli karo Kevin Finander — oo waa murashax. MPR News kuma aysan qorin wax macluumaad ah midkoodna sababtoo ah xog yar oo ayaa laga hayaa mowqifka labadooda.

Arimaha Muhiimka ah

Waxa halkan ku qoran halka uu murashax kasta ka taagan yahay arrimaha jira ee ugu muhiimsan tartankan:

Daahfurnaan

Wilson waxa uu sheegay in uu murashax u yahay jagada hantidhowrka ah sababtoo ah “warbixtii ugu dambeysay ee ahayd khiyaamo weyn oo ku saabsan barnaamijyada badqabidda ee Minnesota iyo maamulxumada weyn ee mashaariicda ah kaabeyaasha waaweyn “ sida uu ku sheegay barta intarnetka ee ololahiisa doorashada. Daahfurnaanta dowladda iyo in la isla xisaabtamo ayaa ku jirtay “dibudhac welwel ah” sannadihii ugu dambeeyay, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wilson wuxuu Blaha ku eedeeyey qaar ka mid ah fadeexadaha maaliyadeed ee ugu waaweynaa taariikhda gobolka, oo ay ku jirto danbibaarista FBI ee hay'ad aan macaash ku shaqeyn oo hadda la joojiyey, ee Feeding Our Future. Illaa hadda, 49 qof lagu eedeeyay dambiyo la xiriira $250 milyan oo laga lunsaday dhaqaalaha barnaamijka cuntada ee COVID-19.

Blaha waxay sheegtay in Xafiiska Hantidhowrka Gobolka uusan wax door ah ku lahayn fadeexaddaas. “Ryan Wilson waxa uu wakhti badan geliyaa in uu ka hadlo hay'adaha ay baareen Hantidhowrka Golaha Sharcidejinta intii uu baari lahaa waxqabadkii xafiiskan uu dhab ahaantii tartanka ugu jiro,” ayey ku tiri hadal ay u soo qortay MPR.

“Inkasta oo asaga lagu wargeliyey marar badan arrinta Feeding Our Future ee Waaxda Waxbarashada... waxaa baarista waday OLA (Xafiiska Hantidhawrka ee Golaha Sharcidejinta) oo ah sharci ahaan hay'adaha gobolka ee awoodda u leh, weli wuxuu sii wadaa in uu sheego in ay khalad sameeyeen Hantidhowrka Gobolka,” ayey Blaha tiri. 

Wilson wuxuu sheegay in haddii la doorto, uu ka shaqeynayo in uu ka jawaabo su'aalaha ay dadku ka qabaan meesha ay ku baxday hantidii dadweynaha.

Blaha waxay ku qortay barteeda ol'olaha, “Waxaan kormeeraa ilaa iyo $60 bilyan oo doolar oo ah kharashaadka gobolka, inta badan ilaa iyo heer ah dowladaha hoose. Kormeerkaas wuxuu ka kooban yahay: Imtixaamid, sida baarista hantidhawrka iyo baaritaan kale, taageerada, sida tababarka aaladaha maaliyadda, iyo inaan u kuurgalo, oo ka warbixiyo xogta ay dadku rabaan si ay u go'aankooda ugu saleeyaan xaqiiqada.”

Bey'adda, Bulshada, iyo Maamulka (ESG)

ESG waxa ay noqotay sidii arrin ku cusub tartanka hantidhowrka. Waa fikrad ay Blaha u qareento, laakiin Wilson waa uu ka soo horjeedaa. Xisbiga Jamhuuriga waxay ku sheegeen “baraarugga maalgashiga.”

Maxay yihiin arrimahan? ESG waa shuruudo badan oo loo isticmaalo in lagu baaro sharciyada maalgashiga ee shirkadaha – sida isbeddelka cimilada, caddaalada bulshada iyo sinnaanta – iyo dhiirrigelinta shirkadaha si ay ugu dhaqmaan si masuuliyad leh. Shuruuduhu waxay sidoo kale caawiyaan dadka maalgashiga wata in ay ka fogaadaan khasaaraha marka ay jiraan shirkado khatar ah ama lagu heli karo anshax-darro.

Hantidhowruhu waa mid ka mid ah afar xubnood oo ka tirsan Guddiga Maalgashiga Gobolka oo u xilsaaran maalgashiga $130 bilyan oo ah hantida gobolka. Kuwaas waxaa ka mid ah saddexda Siyaabaha Hawlgabka Gobolka, qorsheyaal kala duwan oo qeexan, koontooyin aan hawlgab ahayn, iyo qorsheyaal ah lacagkeydsi oo leh cashuurdhaaf.

Waxa ay si fool ka fool ah uga doodeen mowduuca doodka socotay WCCO oo bishii Ogoosto lagu qabtay carwada gobolka ee Minnesota State Fair.

Blaha waxay sheegtay iyadoon loo eegin ra'yiga qofka ee bey'adda, in ay isbedelka cimilada loo baahan yahay in la tixgeliyo marka ay timaaddo maalgashiga. “Waxaa jira khataro waaweyn oo waxaa jira fursado la taaban karo oo ku saabsan sida ay cimiladu isu beddeshay iyo sida aan ugu wareegeyno tamarta nadiifka ah,” ayey tiri. “Caddeynta waa mid xad-dhaaf ah, oo sidoo kale waa wax caqligal ah. Immisa naga mid ah ayaa hadda ka macaashta isticmaalka dhuxdhagaxda?”

“Marka aan ahay hantidhowraha gobolka, kuma ciyaari doono qorsheyaasha lacagta hawlgabka,” ayuu Wilson yiri. “Waa in aan marka hore soo celin karno maalgashiga.” Maalgelinta ESG hoose ayuu u socdaa, ayuu yiri, isagoo soo xiganaya maqaallo lagu soo daabacay wargeysyada Forbes and Financial Times.

Wilson waxa kale oo uu xusay in gobolku “uu seegay” dhuxuldhagaxda oo u noqon lahayd “maalgelin weyn lixdii bilood ee la soo dhaafay.”

“Waa in aan weydiin karno madaxa maalgashiga in si fiican loo soo celiyo maalgashiga suurtagalka ah ee dadka hawlgabka ah si ay macallimiinta, dabdemiska, xubnaha ururka shaqaalaha, shaqaalaha maamulka gobolka ee qabta shaqada adag, booliiska... si ay u helaan dakhligii hawlgabka ee laga ballanqaaday,” ayuu yiri.

“Waxaan nahay maalgashadeyaasha mustaqbalka fog. Ma isku dayi kartid in aad hal maalin ku ganacsato lacagta hawlgabkeyga,” ayey Blaha ugu jawaabtay.

Blaha waxay ka gilgilatay “Fikradda ah in aan la dooraneyn oo ah wax ay wataan keliya koox yar oo ah MAGA Jamhuuris oo isku taxluujinaya inay sumcadda ka xumeeyaan.”

Waxbarashada

Badanaa ma aha mawduuc looga doodo tartanka Hantidhowrka Gobolka, balse waxbarashada ayaa arrin noqotay, oo waxa ay sababtu noqon kartaa wax uu Wilson mudnaan u siinayo carruurta iyo ardeyda awgood.

Wilson waxa uu sheegay in dadka uu la kulmay intuu olole ka waday Minnesota oo dhan ay inta badan ka hadlaayeen iskuullada.

“Lacag miyaa gaareysaa iskuullada, Ryan?” iyagaa i weydiiyey, oo ayuu yiri markuu bilaabaayey hadalkiisii doodda ee WCCO. “Waxaan ku faraxsanahay in lacag badan la siiyo, dadka qaar ayaa yiraahda lacag badan ayey helaan. Laakiin iyada oo aan waxba loo eegeyn, waxay rabaan in ay ogaadaan in mar haddii ay lacag jirto, miyey gaareysaa fasallada si ay macallimiintu wax u baraan iyo si ay ilmuhu wax u bartaan.”

Ka dib wuxuu xusay hoos u dhaca buundooyinka xisaabta iyo wax-akhriska. “Ma beylihin karno carruurta sida ay sameysay Hantidhowre Blaha.”

“Ardeyda qaar badan ayaa la halgamaya sidii ay uga soo kabsan lahaayeen waxbarashadii ka luntay intii lagu jiray xanuunkii nagu faafayey. Qorshahaygu wuxuu ka faa'iideysan doonaa tasiilaadka [Hantidhowraha gobolka] si loo sameeyo xog iyo daahfurnaan lagu taageerayo go'aanqaadayaasha dowladaha hoose markay gaarayaan xal kasta oo iyaga khuseeya oo ku salaysan guusha ardeyda ee fasalka,” ayuu ku soo qoray Twitter.

Blaha waxay sheegtay in uu hantidhowruhu ka waantoobo hadalka mala-awaalka ah.

“Waxaad si dadban u sheegeysaa inaysan iskuulladu si sax ah u isticmaalin lacagtooda. Runtii waa muhiim in aadan ka iska qiyaasin waxa socda… Macne ma sameyneyso waxaad iska maleyneyso, waxa kaliya oo muhiim ah waxa aad ogtahay, ayey tiri. “Balse haddii uu hantidhowruhu wax qiyaaso, waxay dhibaato dhab ah ku imaaneysaa iskuullada oo isku dayaaya in ay soo codsadaan in la kordhiyo canshuuraha hadda.”

Shaqadeyda macallinimo iyo arrimaha dhaqaalaha iskuulka, waa inaan u ololeeyo iskuullada dadweynaha, ardeyda iyo qoysaska ku xiran, iyo bareyaasha iyo shaqaalaha shaqada qabta,” Blaha ayaa ku soo qortay hadal ay u soo gudbisay MPR News.

“Si loo xoojiyo nidaamka iskuullada dadweynaha, waxaan dhigay aasaaska horraantii xilligeyga si aan u horumariyo koox qaabilsan dibu-dhiska iskuullada oo khibrad u leh kormeerka waxbarashada oo dadka ka maqneyd in ka badan labaatan sano. Waxaan awooday in aan u helo maalgelin, taageero ka timaada daneeyeyaasha waxbarashada, oo aan ku guuleysto sharci lagu dhisi doono khibradaha iskuullada iyada oo aan culeys la saarin miisaaniyadda iskuulka. COVID-19 oo dhibkiisu soo yaraanayo awgeed, waxaan sii wadayaa hawsha kooxda.”

Arrimaha kale

MPR News waxa ay sidoo kale la xiriireen labada murashax si ay u weydiiyaan mowqifkooda arrimaha kale ee muhiimka u ah dadka Minnesota.

Soo-rididda ilmaha

Blaha: “Caafimaadka iyo adeegyada dadweynaha waa qayb muhiim ah oo ka mid ah miisaaniyadda dawladaha hoose, markaa waxaan rabnaa Hantidhowre fahmi kara in uu daryeelka caafimaadka ku jirto in ilmaha la iska soo ridi karo. Hantidhowraha riixaya ajandeyaal ka-hortagaya ilmaha in la soo ridi karo waxa uu carqaladeynayaa in deegaanka laga helo daryeelka taranka, gaar ahaan dadka Minnesota ee uu dakhligoodu hooseeyo. Waxaan ku faanayaa taariikhdeyda ah taageeridda xuquuqda ilmaha la isaga soo ridayo anigoo ah guddoomiyaha Ururka Dalkoo Dhan ee Haweenka Minnesota, oo waxaa ku faraxsanahay in aan taageero ka helay ururka Waalidka Qorsheysan (Planned Parenthood) iyo liiska EMILY,” Blaha ayaa qoraal ahaan ugu sheegtay MPR News.

Wilson: “Arrintan ma aha qeyb ka mid ah tartankeena,” ayuu u sheegay MPR News.

Siyaasadda dhaqaalaha iyo canshuuraha

Blaha: “Dadka Minnesota waxay rabaan in ay ogaadaan in ay canshuurtoodu iyaga u shaqeyso. Muddada aan xilka hayey, xafiiskaygu waxa uu ka hortagay in ka badan $549 milyan oo khaladaad miisaaniyadeed ah iyada oo loo marayo xisaabxir, waxaan keenay in ka badan $23 milyan oo ah kordhinta maaliyadda sida waafaqsan cashuuraha, oo waxaan helay in ka badan 4 milyan oo ah musuqmaasuqa dawladaha hoose, oo waxaan kor u qaaday kormeerka maaliyadda federaalka ilaa $20 bilyan. 

Sababtoo ah dakhliga muhiimka ah ee dowladaha hoose wuxuu ka yimaadaa gobolka sida Gargaarka Dowladda Hoose, Gargaarka Barnaamijka Degmada, iyo Gargaarka Magaalada, oo xafiiskaygu wuxuu hadda u kuurgalayaa isbeddellada dakhli kasta si aan ula wadaagno natiijooyinka masuuliyiinta dowldaha hoose iyo sharci-dejiyeyaasha oo ka sameyn doona qorsheyaal ah maalgelin oo kor loogu qaadaya dhaqaalaha dowladaha hoose,” ayey Blaha ugu soo sheegtay MPR News si qoraal ah.

Wilson: Hantidhowre ahaan, “Sida ugu dhow ee aan dhaqaalaha u saameyn karno waa in aan hubsan karno in dowladdu si fiican u shaqeyso, in aan lacagta la khasaarin, iyo in ay lacagtu aadeyso meesha looga baahan yahay. Markaan sidaas sameyno, waxaan gacan ka geysan karnaa abuurista jawi ay lacagta dadku ku sii socoto iyo sidoo kale inuu jawi saaxiibtinimo noo dhaxeeyo meheradaha. Haddii ay shirkadaha dalka arkaan maamul-wanaag, waxay imaanayaan Minnesota, haddiise ay arkaan qashin iyo xadgudub iyo khiyaamo, waa ay naga fogaan doonaan,” ayuu u sheegay MPR News.

Beer-falashada iyo miyiga Minnesota

Blaha: “Taariikhda beeraleyda qoyskeyga iyo shaqadeyda ah tarjumaadda taariikhda beeraha ee Minnesota ee Beerta Oliver H. Kelley ayaa si fiican iigu sheegeysa doorka aan ku leeyahay Maamulka Maaliyadda Miyiga (RFA). Hantidhowraha gobolka wuxuu u adeegaa guddiga si uu u caawiyo ilaalinta $368 milyan oo hanti ah si lgu taageero beeralayda marka ay ku bilaabaneyso ama ay wajahayaan caqabado dhaqaale. Habka aan ugu adeego RFA waa in aan dhageysto beeralayda marka hore, ka dibna waa in aan raaco hoggaankooda aniga oo bixinaya isha kormeerka maaliyadeed ee ku wajahan fikradahooda,” ayey Blaha ugu sheegay MPR News hadal qoraal ah.

Wilson: Isagoo tixraacaya RFA, wuxuu u sheegay MPR News, “in awood loo yeesho in aad matasho (beeralayda) guddoonkaas… waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah doorka hantidhowrka gobolka.”

Hubka

Blaha: “In kasta oo xakameynta hubka aysan si toos ah u khuseyn hantidhowrka gobolka, waxaan ku faraxsanahay in xafiiskeygu uu ka qaybqaatay dibu-habeynta caddaaladda si macno weyn leh iyada oo la siinayo xog ka caawisay in ay meel mariyaan dibu-habeynta labada dhinac ee sharciyada hantida la iskala wareego. Anagoo muujinayna siday waxyar ka dhimi karaan hantida la iskala wareego, haddana waxay u geystaan waxyeelo aan loo eegeyn dadka Minnesota ee dakhligoodu yar yahay, oo waxaan xoojiyey doodda si aan meesha uga saarno khasaaraha yaryar. Taas ayaa horseed iigu noqotay inaan taageero weyn ka helo Protect Minnesota, oo ah hay'ad hormuud ka ah in laga hortago rabshadaha hubka,” Blaha ayaa hadal qoraal ah ugu soo sheegtay MPR News.”

Wilson: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Daryeelka caafimaadka

Blaha: Iyadoo ay sababtu tahay caafimaadka iyo adeegyada dadweynaha oo qeyb muhiim ka ah miisaaniyadda dawladaha hoose, gaar ahaan ilaa heer degmo iyo heer magaalo, hantidhowraha gobolku wuxuu door ku leeyahay in loo kuurgalo kharashka daryeelka caafimaadka dowladaha hoose. Iyadoo la haysto xog fiican, xubnaha bulshada waxay sameyn karaan go'aamo wax ku ool ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka. Barnaamijkayga ah The State of Mainstreet, waxaan isugu keenay deriska, shaqaalaha dawladaha hoose, iyo madaxda dawladda hoose si aan u wadaagno isbeddellada iyo hababka ugu fiican ee lagu hagaajin karo caafimaadka bulshada deegaanka,” Blaha ayaa ugu sheegay MPR News hadal qoraal ah.

Wilson: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Arrimaha socdaalka

Blaha: “Soogalootiga Minnesota waxay lama huraan u yihiin dhisidda bulshooyin adag iyo dhaqaalha deegaanka oo xoog yeesha. Hantidhowraha gobolka waxa uu u baahan yahay in ay fahamto qiyamka shaqadeeda. Tusaale ahaan, hantidhowraha gobolka waxa uu ka tirsan yahay guddiga Guriyeynta Minnesota, kaas oo kharsh gareeyey $1.92 bilyan sannadkii hore si loo horumariyo guryaha in ka badan 93,000 qoys, oo qaarkood waa guryaha soogalootiga cusub. Iyadoo sababtu tahay sida ay iiga go'an tahay in aan taageero dadka cusub ee Minnesota, waxaan awooday u yeeshay in aan ku caawiyo habeynta taageeradaas si ay u helaan bilow adag, oo taasina waxay horseedeysaa dhaqaalaha oo xasilloonaata,” Blaha ayaa qoraal ah ugu soo sheegtay MPR News.”

Wilson: MPR News ma soo helin faallo dadweyne oo uu dhawaan arrintan uga soo jawaabay.

Doorashadii 2020

Blaha: “Waxaan la shaqeeyaa hantidhowreyaasha degmooyinka gobolka oo dhan ee ma aha oo keliya kormeerka dhaqaalaha deegaanka, ee waxaan maamula doorashada. Ugu horreyn waxaan arkaa sida ay ugu dedaalayaan in ay si cadaalad ah ugu qabtaan, u dhammeystiraan, iyo sida loo tiriyo codbixinta oo sax ah. Intaa waxaa dheer, caddeyntu waxay noqotay in doorashooyinka Minnesota si fiican loo maamulay, si taxadar leh loo hubiyey, oo ay tahay in lagu kalsoonaado. Waxaan aqbalay natiijada doorashada 2020, waxaana ku kalsoonahay in Minnesota ay sii wadi doonto dhaqankeeda maamulka doorashada oo wax ku ool ah sanadkan,” Blaha ayaa si qoraal ah ugu soo sheegtay MPR News.

Wilson: "Doorashada 2020 waxay ahayd doorasho caddaalad ah oo Joe Biden ayaa noo ah madaxweyne. Dadka Minnesota waa ay ku faanaan doorashadooda. Taariikhda ayey noogu jirtaa in aan aad u codeyno oo aan codbixinta isku hawlno. Tusaale ahaan, waxaan ahaa goobjooge ku tabarrucay korjoogteyn codbixinta doorashadii 2020. Ma aanan kala garan karin in aan daawanaayey codadka Jamhuuriga ama Dimuqraadiga ee la dhiibanaayey; waxaan halkaas u joogay in aan ka caawiyo daahfurnaanta codbixiyeyaasha oo dhan, iyada oo aan loo kala eegeyn xisbigooda. Marka ay dad badan ka qaybqaataan nidaamka doorashada, nidaamka ayaa u fiicnaan doona dadka Minnesota oo dhan. Codbixiyeyaashu waa ay soo baxeen 2020 oo waxay doorteen Joe Biden, oo codbixiyeyaashu waxay rabaan in ay 2022 codkooda dhiibtaan," Wilson ayaa sidaas u soo qoray MPR News.

Weriyaha MPR News Dana Ferguson ayaa nagu soo biiriyey qeybtan.