US House (Somali)

Hagaha codbixiyaha: Fiiri mawqifyada murashixiinta degmada 3aad ee soo-rididda ilmaha, dambiyada, iyo waxyaabo badan
Degmada 3aad ee Koongareeska, Wakiilka Aqalka Hoose Dean Phillips, oo ah Dimuqraadi oo markii ugu horreysay waxaa la doortay 2018 iyo mar labaad 2020, waxaa wajahay Tom Weiler, oo ah nin Jamhuuriga ku cusub iyo ka soo hawlgabay ciidanka Badda Mareykanka. Degmadu waxay dabooshaa inta badan xaafadaha magaalooyinka sida galbeedka Minneapolis oo ay ku jiraan qeybo ka mid ah degmooyinka Anoka, Carver iyo Hennepin. 
Hagaha codbixiyaha: Eeg mowqifyada murashixiinta Degmada 2aad sida hubka, ilmaha la soo ridayo, waxyaabo badan
Xaafadaha magaalooyinka mataanaha ah ee koonfurta waxaa hadda Koongareeska uga wakiil ah xildhibaanad Angie Craig, oo ka socota Dimuquraadiga. Waxaa doorashada ku jira laba tartame oo kala ah: Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Tyler Kistner, oo ay iyadu ka guulaysatay 2020, iyo murashaxa Xisbiga Marijuana Now Paula Overby. 
Hagaha codbixiyaha: Eeg mowqifyada murashixiinta Degmada 4aad ee waxbarashada, soogalootiga, waxyaabo badan
Degmada 4-aad ee Koongareeska, Xildhibaan Betty McCollum, Dimuqraadi, waxaa la tartameysa May Lor Xiong oo ah Jamhuuri. McCollum waxay Aqalka Wakiillada ee Mareykanka Xildhibaan ka ahayd ilaa 2001.
Hagaha codbixiyaha: Eeg mowqifyada murashixiinta degmada 5aad ee kala ah dibu-habeynta booliiska, daryeelka caafimaadka, iyo waxyaab kale
Degmada 5-aad ee Koongareeska, Xildhibaan Xildhibaan Ilhan Omar, oo ah Dimuquraadi, ayaa wajaheysa Cicely Davis oo ku cusub Xisbiga Jamhuuriga.
Hagaha codbixiyaha: Eeg mowqifyada murashixiinta Degmada 6aad ee hubka, ilmaha la soo ridayo, waxyaabo badan
Murashaxad ah Dimuquraadi Jeanne Hendricks ayaa kula tartameysa xildhibaanka haysta kursiga oo ah Xisbiga Jamhuuriga Xildh. Tom Emmer tartanka aqalka dagmada 6aad ee Minnesota
Hagaha codbixiyaha: Eeg mowqifyada murashixiinta Degmada 8aad ee macdanta laga qodo, hubka, iyo waxyaabo badan
Degmada 8aad ee Koongareeska sannado badan waxay ku tiirsaneyd Dimuquraadiga, laakiin 2018 waxay ahayd mid ka mid ah seddexda degmo ee Koongareeska ee dalka ee ku wareegtay Jamhuuriga. Stauber ayaa ku guuleystay ku dhawaad boqolkiiba 20. Degmada 8aad ee Koongareeska waxay dabooshaa dhul baaxad leh oo ka tirsan waqooyi-bari ee Minnesota.