Hagaha codbixiyaha: Eeg mowqifyada murashixiinta Degmada 6aad ee hubka, ilmaha la soo ridayo, waxyaabo badan

A man and woman pose for a photo side by side
Tom Emmer, bidixda, iyo Jeanne Hendricks
Courtesy photos

Murashaxad ah Dimuquraadi Jeanne Hendricks ayaa kula tartameysa xildhibaanka haysta kursiga oo ah Xisbiga Jamhuuriga Xildh. Tom Emmer tartanka aqalka dagmada 6aad ee Minnesota

Ninkan afarta xilli ee ah GOP ee kursigan haystay, oo ka tirsan Guddiga Adeegyada Maaliyadda ee Aqalka, ayaa lagu soo waramayaa in uu ku jiro tartan kale: mid saddex geesood ah oo ka dhacaya Golaha Jamhuuriga si uu u noqdo Garabka Aqlabiyadda ee Koongareeska. Laakiin marka hore, waa inuu ku guuleysto kursigiisa 8da Nofeembar.

Hendricks, 65 jir, waa kalkaaliye suuxiye, hooyo laba carruur ah oo u dhaqdhaqaaqda bulshada ayaa u tartameysa kursiga, oo waxay tiri, si loo difaaco dimuqraadiyada dalka. Waxay shahaadada afarta sano ee kalkaalisada ka soo qaadatay Jaamacadda Augustana ee Sioux Falls, South Dakota, oo shahaadada sare ee suuxinta kalkaalisada waxay ka soo qaadatay Jaamacadda Winona State University.

Emmer, oo 62 jir ah, waa guddoomiyaha Guddiga Xisbiga Jamhuuriga ee Kongareeska. Waxa uu shahaadada cilmiga siyaasadda ka qaatay jaamacadda University of Alaska Fairbanks, oo ka dibna waxa uu shahaadada sharciga ka qaatay kulleej hadda la yiraahdo Mitchell Hamline School of Law. Emmer waa xaas oo aabbe ay u joogaan toddoba carruur ah.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Afarta jeer oo ah Koongarees waxa uu u taagan yahay “Qiimaha Galbeedka-Dhexe,” sida uu ku sheegay bartiisa intarnetka ee ololihiisa. “Washington waxaa haysata dhibaato ah kharashbixin,” ayuu ku qortay bartiisa “Deyntii qaranka faraha ayey ka baxday. Waa ganacsiga gaarka loo leeyahay, ee ma aha dawlad weyn waxa dalkeena ku soo celin kara wadada saxda ah.”

Hendricks waxay qabaa fikrad kale si uu dib loogu soo laaban lahaa jidka sax ah. Iyadoo soo xiganeysa waxa ay ugu yeertay “been” hoggaamiyeyaasha Jamhuuriga ah sida Emmer oo ku tilmaamay weerarkii 6dii Jan ee Capitol US “Hadal dadweyne oo sharci ah,” ayey tiri, “Waxaan aaminsanahay in qodobka koowaad ee 2022 uu yahay difaacidda Dimuquraadiyadda. Waxaan u baahan nahay dad noo soo baxa, isu xilqaama hawlaha, isu diwaan geliya si ay u codeeyaan, oo ka qeyb qaata dhinac kasta si aynu u difaacno Dimuquraadiyadda. Si wada jir ah ayaan u wada ilaalineynaa qof kasta oo raba in uu dhib noo geysto.”

Labaduba waa in ay soo bandhigaan farriimahooda Minnesota dood ay isaga hor imaadeen dabayaaqadii Oktoobar, ololaha Hendricks ayaa sidaas yiri.

MPR News waxa ay sidoo kale la xiriireen labada murashax si ay u weydiiyaan mowqifkooda arrimaha muhiimka u ah dadka Minnesota. Emmer nooma soo jawaabin ilaa 3dii Oktoobar.

Soo-rididda ilmaha

Emmer: “lmo in la iska soo rido mar kasta waa in ay noqoto sharci darro” ayuu yiri, sida laga soo xigtay ontheissues.org. Emmer sidoo kale wuxuu wax ka qoray sharci Aqalka Wakiillada, oo cinwaankiisu ahaa “Sharciga Difaacidda Ilmaha Xanuunka Dareemi Kara ee Uurka Lagu Sido ee Inaan la soo Ridin.” Sharcigaas la soo jeediyey wuxuu dambi ka dhigaya sameynta ama isku dayidda ah in ilmo la iska soo rido, haddii ilmaha uurka lagu sido gaaro 15 toddobaad ama ka weyn. Qofkii ku xadgudba waxa uu wajihayaa ilaa shan sano oo xarig ah iyo/ama ganaax. Waxaa jira waxyaabo ka reebban sharciga sida haddii ay nafta hooyada khatar ku jirto ama haddii uurku uu sabab u yahay kufsiga ama galmada dad aan gayaan isu ahayn.

Hendricks: : “Aad baan u taageersanahay xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay go'aasadaan daryeelkooda caafimaadka taranka, oo si gaar ah ugala hadlaan dhakhtarkooda. Koongareesku waa in uu u dhaqaaqaa inuu Roe v. Wade sharci noqdo,” ayey u sheegtay MPR News.

Siyaasadda dhaqaalaha iyo canshuuraha

Emmer: “Xeerarka, kharashaadka dowladda ee taxadar la'aanta ah, iyo nidaamka canshuuraha ee adag waxay carqaladeynayaan kobaca dhaqaalaha oo waxay kor u qaadayaan welwel ah in uu Mareykanku mustaqbalka baraari doono. Haddii aan sii ahaaneyno awood dhaqaale, waxaa muhiim ah in aan yareyno xeerarka xakameynta ag, yareyno kharashaadka, oo waa inaan yareyno culeyska canshuuraha ee qoysaska iyo ganacsiyada Mareykanka,” ayuu ku qoray boggiisa internetka.

Hendricks: “Waxaan taageersanahay kharashaadka dhexdhexaadka ah ee miisaaniyadda ee uu tusaale u yahay Sharciga Yareynta Sicirbararka. Intaa waxaa dheer, waxaan la shaqeyn doonaa ururada shaqaalaha, ururada deegaanka, hoggaamiyeyaasha ganacsiga, hoggaamiyeyaasha bulshada, iyo muwaadiniinta si xal loogu helo caqabadaha dhaqaale ee maanta iyo si loo abuuro oo loo ilaaliyo shaqooyin tayo leh iyo dhisidda dhaqaale nadiif ah, oo kobcaya, iyo sinnaan,” ayey u sheegtay MPR News.

Waxbarashada

Emmer: “Aabbe ahaan ay u joogaan toddoba carruur ah, waxaan fahamsanahay Nidaamka waxbarashada Mareykanka waa in uu lahaado kala-duwanaansho iyo hab shakhsiyeed sida ay yihiin carruurta wax la barayo. Xaqiijinta ah in ardaydu helaan waxbarasho tayo fiican waxay aasaas u tahay xoogga iyo koboca bulshaweynta oo dhan. Iskuullada heer kasta waa in ay ardeyda u diyaariyaan guulgaaris; mustaqbalka aan rabno ayaa ku xiran,” ayuu ku qoray bartiisa intarnetka.

Hendricks: “Waxaan si buuxda u taageersanahay yoolalka Waxbarashada Minnesota. Waxa muhiim ah in la helo dimoqraadiyad koreysa oo kobcineysa in ay dadka oo dhan helaan waxbarasho tayo leh, oo waa in la helo xirfado bulsho iyo kuwa mihnadeed si loogu gaaro guulo. Waxaan aaminsanahay in, taageerada saxda ah, ee ay ardeydoo awoodaan waa in ay guuleystaan iyadoo aan loo eegin asalkooda. Waxaan taageerayaa waxbarashada kulleejka iyo farsamada ee ardayda xaqa u leh. Waxaan dib u soo celin doonaa qorsheyaasha u ogolaanaya in ay carruurtu dedaalaan. Waxaan taageeri doonaa maalgelinta kulleejka iyo farsamada gacanta in loo helo ciidanka sharafta leh ee dalka noo difaaca, waxaanan dhiirrigelin doonaa cafiska deymaha ardeyda ee dadka noogu jira ciidamada. Waxaan sidoo kale taageeri doonaa kordhinta cafiska amaahda ardeyda ee dadka raba fursadaha waxbarashada kale ee wax ka dhigi doona iskuullada ugu mudnaanta yar. Waxaa na saaran masuuliyad qaran oo ah inaan dhiirrigelin karno mustaqbalka dadka u adeegaya milatariga iyo waxbarashada oo waa in aan si wanaagsan u taageerno in la hubiyo amniga Mareykanka,” ayey u sheegtay MPR News.

Bey'adda iyo isbeddelka cimilada

Emmer: “Waxaa jira isku dheellitirnaan muhiim ah oo u dhexasya ilaalinta kheyraadka dalkeena iyo dhiirrigelin ah wax soo saarka dhaqaalaha iyo koboca. Laakiin siyaasadaha gacmaha culus ee inta badan ka soo baxa xafiisyada Washington waxay waxyeello u geystaan warshadaha sida beeraha iyo macdanta, kuwaas oo muhiim u ah guulgaarista aan hiigsaneyno… Anigoo xubin ka ah Koongareeska Guddigiisa Tamr-dhalinta Nool, waxaan sidoo kale taageersanahay maalgashiga iyo horumarinta waaxda tamarta si dib loo cusboonaysiin karo iyo si aan u helno isku-dhafka ah amniga iyo miisaaniyadda ku habboon ilaha tamarta.

Hendricks: “Isbeddelka cimiladu waa dhab oo waa khatar jirta oo na haysata. Xeerka dhimista Sicirbararka waa bilow wanaagsan oo lagu bixin karo lacagaha loogu talagalay ballaarinta tamarta qorraxda, tan dabeysha iyo tamarta nool. Qiimeyn kasta oo ah cabbirka CO2 ee ay warshaduhu soo saaraan waxay kicineysaa in la is xakameeyo iyadoo la isku dhiirrigelinayo warshaduhu in ay wasakhx yar sii daayaan,” ayey u sheegtay MPR News.

Beer-falashada iyo miyiga Minnesota

Emmer: “Beeruhu waa hawl khatar badan leh oo gaar ah, Koongarasku waxa uu leeyahay mas'uuliyad ah in uu siiyo beeraleyda qalabka ay u baahan yihiin si ay u maareeyaan khatartaas. Anigoo ah xubin hore oo ka tirsan Guddiga Beeraha Aqalka Wakiillada, waxaan aaminsanahay barwaaqada qeybtayada beeralayda in ay tahay mid muhiim ah, oo waxaan ka shaqeyn doonaa sidii loo hubin lahaa in beeraleydu ay helaan tasiilaadka ay u baahan yihiin oo ah waxsoosaar leh waxtar iyo badqabidda sahayda cuntada Mareykanka,” ayuu ku qoray bartiiisa internetka.

Hendricks: “Dhaqaalaha deegaanka bartamaha Minnesota wuxuu ku xiran yahay dalxiiska, beeraha, iyo farsamada. Hase ahaatee, waxa loo baahan yahay waa in aan kala duwanaan karno, xataa si aan u sameyno aasaas adag oo keena xasilloon dhaqaale, oo noqda dhiirrigelinta ugu wanaagsan iyo tan ugu fiican si aan u sii wadno shaqada halkan, oo waa dhisid xooggan in loo sameeyo bartamaha Minnesota. Waxaan hogaamin doonaa dedaalka lagu horumarinayo deegaanka bartamaha Minnesota anigoo si adag ugu doodi doona oo ilaalinaya sharciga harooyinka nadiifka ah, hawada nadiifka ah, iyo nadiifinta biyaha. Waxaan taageeri doonaa beeraleyda iyo horumarinta fursadaha dalxiiska gobolka. Intaa waxaa dheer, waxaan taageeri doonaa sharci dhiirrigeliya iskuullada ganacsiga, abuurista shaqooyinka degmadoo dhan, iyadoo aan taageerayo oo an ilaalinaya ururrada shaqaalaha iyo xubnahooda,” ayey u sheegtay MPR News.

Hubka

Emmer: “Qodobka Labaad ee dastuurka waa xuquuq madani ah oo lama huraan ah iyo qeyb muhiim ah oo ka mid ah dhaxalka Minnesota. Aasaaseyaashii dalkan waxay fahmeen in xaqa shakhsigu u leeyahay in uu haysto oo hub qaato in ay tahay xorriyad shakhsiyeed oo muhiim ah, iyo in la iska ilaaliyo dowlad keli-talis ah. Shacabku waa in ay feejignaadaan si ay xuquuqdooda u ilaashadaan, awoodda ay u leeyihiin in ay si sharci ah xuquuqdooda u gutaan waa inay uga madaxbannaan yihiin faragelinta dowladda,” ayuu ku qoray bartiisa Intarnetka.

Hendricks: “Aad baan u taageersanahay dadka sameeya ugaarsiga, ciyaartoyda iyo haweenka isboortiga ah, iyo dadka si sharci ah u haysta hubka. Waxaan taageersanahay Qodobka 2aad ee Dastuurka Mareykanka, oo waxaan ogahay baahida loo qabo in bulshada laga ilaaliyo dambiileyaasha rabshadaha wata iyo kuwa ay haysato caqabad ah caafimaadka dhimirka. Waxaan taageeri doonaa sharciga ah badqabka hubka iyo caqliga saliimka ah oo lagu ilaalinaya xuquuqda muwaadiniinta sharciga u hogaansan in ay hub yeeshaan; waxay qortay inn dadka lagu sameeyo baaris fiican, waxay rabaa in la xiro bandhigyada hubka oo ah daldaloollada iibsashada hubka, waxay dadka u haysaa meel hubka lagu xafido, oo waxay rabtaa joojinta hubka lagu sameysto guryaha,” ayey u sheegtay MPR News.

Daryeelka caafimaadka

Emmer:  “Minnesota waxay hoy u tahay in ka badan 1,000 shirkadood oo ah daryeelka caafimaadka ah iyo 605 shirkadood oo ah kuwa qalabka caafimaadka, kuwaas oo iyaguna u shaqeeya in ka badan nus milyan ah dadka Minnesota. Waxa masuuliyadda dowladdu tahay in ay noqoto tasiilaad, balse waa in aysan noqon jidgooyo, si loo hormariyo waxyaabahaas. Si taas loo gaaro, waxaan si adag u aaminsanahay in haddii aan dooneyno inaan dammaanad qaadno helitaanka daryeelka ugu tayada fiican iyo kan ugu jaban ee la heli karo, waa in aan gobolka awood u siin karno inay hal-abuuraan oo ay daaweeyaan dadyow badan oo gaar ah oo ku sugan xuduudahooda halkii ay ka ekaan lahaayeen “hal-khibrad keliya” oo ah daryeelka caafimaadka,” ayuu ku qoray bartiisa intarnetka.

Hendricks: “Waxaan ahay hooyo iyo kalkaaliye caafimaad, oo caadi ahaan ayuu daryeelka caafimaadku aad muhiim iigu yahay. Waxaan si adag u taageersanahay hirgelinta isbeddellada Mareykanka ku caawin doona in la xakameeyo kharashaadka daryeelka caafimaadka, iyadoo weli la helayo daryeel tayo fiican iyo ceymiska aasaasiga ah oo helayo qof kasta… Qof kasta oo Mareykan ah waa in uu xaq u yeesho helidda daryeel caafimaad oo tayo leh. Daryeelka caafimaadku waa in uu noqdo wax ay awoodi karaan qoysaska oo dhan. Korodhka sannadlaha ah ee khidmadaha ceymiska ayaa ka dhigeysa daryeel tayo leh marka la iska rabo wax yar oo kharashka jeebka ayaa ku adag qoysaska Minnesota. Qiimaha daawooyinku dhakhtarku qoro ayaa cirka isku shareeray. Waxaan si adag uga shaqeyn doonaa sidii aan u heli lahaa hab lagu yareeyo kharashka si qof kasta oo u baahan dawooyinka uu u awoodi karo,” ayey u sheegtay MPR News.

Arrimaha socdaalka

Emmer: Barta intarnetka ee On the Issues wuxuu ku xusay in Emmer uu taageeray masaafurinta muhaajiriinta aan sharciga lahayn, oo wuxuu u codeeyey hindise-sharciyeed mamnuucaya dadka qaata DACA inay ka mid noqdaan milatariga, laakiin wuxuu sidoo kale maalgeliyay “Sharciga Tixgelinta ee Soogalootiga Xirfadaha Sare,” kaas oo soo jeediyay in la kordhiyo labadaba.heerka fiisaha ee xirfadda sare iyo in qoyska loogu saleeyo.

Hendricks: “Dhaqaalaha Minnesota wuxuu ku tiirsan yahay shaqaale badan oo soo galooti ah oo nooga shaqeeya beeraha, goobaha dalxiiska, iyo makhaayadaha. Waxaan soo bandhigi doonaa oo aan taageerayaa sharci noo ilaalinaya xuduudaha, laakiin waxan soo dhaweynayaa dadka raadiya habnololeedka Mareykanka ee doonaya inay ka shaqeeyaan sidii aan u taageeri lahayn shaqa-bixiyaha Minnesota. Iyadoo laga yaabo inay yihiin muhaajiriin sharci-darro ah, in lagu tilmaamo bini'aadam inay yihiin 'sharci-darro' waxay noqoneysaa wax aad u xun. Waxaan nahay waddan soogalooti ah ku dhismay, kala-duwanaanshuhu waa awood. Si kastaba ha ahaatee, qaran ahaan, waxaa xadeysan dhaqaalaha aan heli karno. Waxaan soo bandhigi doonaa sharci ah dariiqa loo maro dhalashada oo lagu beddelo habka ah ficilka dibu-dhigista ee carruurtii hore ee soogalootiga (DACA), iyo sharciyo caddaaladeysan oo macquul ah oo la xiriira socdaalka ah oo aan culeys ku saarin dadka cashuurtooda, oo ilaalinaya xuduudaha, balse u baahan in si bini’aadannimo iyo hufnaan lleh oola dhaqmo dadka oo dhan, iyadoo la xakameyn karo soogalootiga kuwa doonaya habnololeedka Mareykanka,” ayay u sheegtay MPR News.

Doorashadii 2020

Emmer: Xildhibaankan waxa uu saxiixay heshiis kooban 2020, isagoo weydiistay maxkamadda sare ee Mareykanka inay laasho doorashada iyada oo lagu burinaayey codadkii Joe Biden u doortay madaxtinimada. Waxa kale oo uu ahaa mid ka mid ah in ka badan 100 Aqalka Wakiillada ee xisbigiisa ee saxiixay dacwad 2020 oo uu gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Texas Ken Paxton, kaas oo ku eedeeyay saraakiisha doorashada ee afar gobol oo la isku haystay in ay iska indhatireen sharciyada doorashada federaalka iyo gobolka, taas oo keentay khaladaad codbixineed oo beddelaya natiijada 2020 ee doorashada madaxweynaha.

Hendricks: “Waxaan difaaci doonaa dimuquraadiyadda. Mid ka mid ah xuquuqda sida aadka loo qadariyo ee aadka la isugu ilaaliyo Mareykan ahaan waa xuquuqda ah in aan u codeyno wakiillada la doortay. Waa xuquuq uu dastuurku dammaanad qaaday. Xaqa aan u leenahay in aan ku codeyno doorasho xor ah oo lagu kalsoonaan karo waa in laga ilaaliyo cadowga ah shisheeyaha iyo kan gudaha. Waxaan aaminsanahay in codbixiye kasta oo Mareykan ah loo oggolaado in uu ku codeeyo si ah lacag la'aan, si ku habboon, iyada oo uusan jirin dibu-dhac; takoorid la'aan, iyada oo aan loo eegin heerka dhaqan-dhaqaale, jawi nabdoon oo ammaan ah, iyo haddii loo baahdo, codbixin sugan oo la isku halayn karo. Waxaan qaadi doonaa tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u ilaaliyo xuquuqda codbixinta oo waxaan ilaalinayaa daacadnimada doorashada,” ayey u sheegtay MPR News.

Map of Minnesota US house district 6
Minnesota US House District 6
Elisabeth Gawthrop | APM Research Lab