Sababta khasab kaaga dhigeysa inaad ku dedaasho joojinta faafidda COVID-19

A person wearing PPE administers a nasal swab to someone sitting.
Nurse Rhonda Korman administers a nasal swab at a free drive-thru COVID-19 testing site at Incarnation-Sagrado Corazon Church in Minneapolis on Aug. 15, 2020.
Christine T. Nguyen | MPR News

Kiisaska COVID-19 ayaa ku soo badanaya meelo badan oo gobolka ka mid ah, oo khubarada caafimaadka waxay ka walaacayaan in uusan xaalku waxba iska beddeleyn haddii aysan dadku raacin talooyinka iyo shuruudaha la iska rabo oo ah sida lagu badbaadi karo.

Halkan waxaa ku qoran sababo dhowr ah oo ay muhiim u tahay in si fiican loo joojiyo faafidda COVID-19, sidaasna waxaa sheegay mid ka mid ah maamulka sare ee caafimaadka Minnesota: Jan Malcolm oo ah Hawl-wadeenka Caafimaadka iyo Kris Ehresmann oo ah Agaasimaha Cudurrada Faafa ee Gobolka.

Isbitaalladu waxay ku jiraan ‘xaalad khatar ah’

Labada toddobaad ee soo socda, dadka isbitaallada la seexinayo ayaa gaari kara heer ah labanlaab ama saddexlaab, ayey tiri Malcolm. Haddii ay sidaas dhacdo, isbitaalladu ma daaweyn karaan bukaanka sababtoo ah qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha ayaa faayruskii ka soo qaadaya dadweynaha, oo iyagii ayaaba la karantiilayaa si aysan xanuunka ugu sii gudbin bukaanka iyo qoysaska.

Isbitaallada iyo waaxyaha caafimaadka ee gobolka ayaa ka wada hadla xaalka sariiraha u diyaarsan daryeelka bukaanka iyo tirada bukaanka ee isbitaallada gobolka oo dhan. 

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

“Dadweynuhu waa inay ogaadaan in ay dadka xanuunsan soo badanaayaan oo aan bukaan kasta deegaankiisa looga heli karin isbitaal la seexiyo,” ayey tiri Malcolm.

Waxa kale oo jirta, hadda oo ay kordhayaan dadka isbitaallada loo seexiyo COVID awgiis, weli isbitaalladu waxay daaweeyaan oo seexda dadka qaba xanuunnada kale, sida faalligid, wadne-xanuun iyo dadka shilalka gala.

Xataa haddii aadan adigu ku jirin wax ah ‘khatar,’ dadka kale ayaad xanuunka u sii gudbin kartaa

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey, kiisaska ugu badan waxaa laga helay dhallinyarada Minnesota.

Qaar badan oo ka mid ah dhallinyarada waa calaamad-laaweyaal oo faayruska ayey sii faafiyaan iyagoon ogeyn.

Inkastoo aysan dhallintu wax xanuun ah la kulmin oo aan isbitaal la seexin, haddana khubaradu waxa ay welwel ka qabaan in xanuunka lagu faafiyo waayeelka iyo dadka kale ee nugul.

Tallaalkii loo qaadan lahaa weli waa la sugayaa

Malcolm iyo Ehresmann waxay sheegeen in tallaalka cusub ee hadda la soo saaray uu yahay wax lagu farxo, laakiin waa wax aysan weli dadku isticmaalin. 

“Hal digniin oo aan dadka u sheegayo waa in akhbaarta laga maqlay idaacadaha, balse aan weli lagu soo sheegin joornaallada cilmiga caafimaadka,” ayay tiri Ehresmann.

Marka tallaalka la diyaariyo oo la kala qeybinaayo, maamulka gobolka ayaa sidii lagu keeni lahaa kala xiriiraya Akadeemiyada Qaranka ee Culuunta Seyniska. 

Ehresmann waxay tiri waxaa la sugayaa oggolaanshaha hay'adda maamulka daawada ee FDA, oo tallaalku wuxuu na soo gaarayaa bartamaha Diseembar ilaa Jannaayo. Markaas ka dib dhowr waxyaabood ayaa la sameynayaa si loo sii kala qeybiyo tallaalka.

Faayruskan weli waa wax aan si fiican loo baran

Maamulka caafimaadka waxay sheegeen, bukaanka qaba COVID-19 inay sii faafin karaan faayruska laba toddobaad marka laga helo xannuunka ka dib, haddii ay calaamado isku arkaan ama haddii aysan calaamado isku arkin.

Hase yeeshee, waxaa jira bukaan xanuunka laga helayo muddo dheer mar kasta oo la baaro, balse bukaankaas dadka kale marna xanuunka uma sii gudbin karaan. Khubarada seyniska faayruskan weli aqoon uma laha.

Saameyntiisa mustaqbalka fog si fiican looma fahamsana. Dadka qaar uusan si daran ugu dhicin xanuunkan waxay sheegeen saameyn mar dambe caafimaadkooda aafeysa.

“Waxaa jirta cilmi-baaris lagu eegay dadkii qabay nooca fudud ee xanuunka, ama dadkii aan wax calaamado ah qabin, oo waxaa ka soo baxay waa in laga yaabo inuu wadnaha dhaawac ka soo gaaray,” ayey tiri Ehresmann.