Talking Sense

Soomaalida St. Cloud waxay rabaan in ay ka dhex muuqdaan siyaasadda, laakiin iyaga oo dhan isku aragti ma aha

A group of people gathers in a cafe.
Men gather around candidate Abdi Daisane (right) who is running for a Minnesota State Representative as he talks about his campaign at the Waamo Café on Aug. 30, in St. Cloud.
Paul Middlestaedt for MPR News

Sidii ay u soo badaneysay tirada Soomaalida ee Minnesota, waxay u muuqdaan dad adeegsan kara cudud siyaasadeed. Si gaar ah St. Cloud ayaa lagu arkay tiradooda oo kordheysa, oo Soomaalida Mareykanka ayaa sannadihii ugu dambeeyey si aad ah u soo badaneysay.

Labaatan sano ka hor markii ay St. Cloud soo dageen Soomaalidii qaxootiga ahayd ee ugu horreysay, qaarkood ayaa ku dedaalay in ay ka qeybgalaan maamulka iyo siyaasadda iyagoo adeegsanaya awooddooda codbixinta, oo mararka qaarkood waxay ka weecdaan xisbiga ay badi daacadda u yihiin ee dimuquraadiga ama Minnesota Democratic-Farmer-Labor (DFL).

Qaar ka mid ah Soomaalida Mareykanka ee St. Cloud ayaa u tartamaya xilal ah deegaanka, oo waxay ku raja weyn yihiiin in ay guulo ka gaaraan xilal aysan dadka kale gaarin.

Abdi Daisane waa milkiilaha ganacsi yar, wuxuu Mareykanka yimid 15 sano ka hor, oo waxa uu ka mid yahay dadka rajada ka qaba siyaasadda. Wuxuu murashax u yahay xisbiga DFL kursi xildhibaan oo ah Aqalka gobolka 14A oo uu wakiil ugu noqon doono St. Cloud isaga oo u tartamaya markiisii koowaad. Bernie Perryman, Jamhuuri ama Republican.

Daisane wuxuu sheegay isaga iyo Soomaalida kale ee Mareykanka ee u tartameysa xilalka in ay yihiin dad si firfircoon uga dhex muuqda bulshada St. Cloud.

“Waxa ay si toos ah oo ay hubaan u arkaan caqabadaha haysta bulshadeena,” ayuu yiri. “Waxay muddo dheer qeyb ka ahaayeen in xal la helo.”

Daisane waxaa taageersan Xisbiga DFL. Waxa uu sheegay in uu la xiriirayo dadka ka codeyn doona degmadiisa oo dhan, oo aan ahayn Soomaalida Mareykanka oo keliya, oo waxa uu xoogga saarayo waa arrimaha asaasiga ah sida waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo guryo la awoodi karo.

Murashixiinta kale ee ah Soomaalida Mareykanka ee u taagan xilalka waxaa ka mid ah Omar Podi iyo Hudda Ibrahim, oo waxay u tartamayaan Golaha Magaalada St. Cloud. Labaduba waxa ay ka soo gudbeen doorashadii is-reebreebka hore ee Ogoosto.

Podi oo u soo guuray St. Cloud 2012, wuxuu sheegay in ay tartanka ku dhiirrigeliyeen dadka Soomaalida ah oo dareemaya in aysan matalaad ku haysan maamulka magaalada. Wuxuu sheegay yoolkiisu inuu yahay in uu diiradda saaro guriyeynta iyo horumarinta dhaqaalaha, iyo in uu gacan ka geysto in dib loo soo nooleeyo bilicda magaalada hoose.

In kasta oo aan xisbi la iska rabin tartanka golaha magaalada, Podi wuxuu qabanqaabiye u soo ahaa Xisbiga DFL, oo waa xisbigii sida gaarka ah ugu soo jiitay Soomaalida Minnesota ee ka codeysay doorashooyinkii hore marka loo eego xisbiga Jamhuuriga.

Hase yeeshee, Podi wuxuu qirsan yahay qaar badan oo ka mid ah Soomaalida-Mareykanka ee St. Cloud — sida uu qiyaasayo in ay boqolkiiba 90 — qunyarsocod ku yihiin arrimo badan oo ah kuwa bulshada, sida ilmaha uurka laga soo rido iyo mowduuca arrimaha jinsiga ee looga hadlo iskuullada dadweynaha.

“Waxaan hadda kuu sheegayaa, bulshada Soomaalida, waxa ay u janjeeraan Jamhuuriga,” ayuu yiri.

Podi waxa uu sheegay in ay Soomaalida Mareykanka ee ku nool St. Cloud badankoodu u codeyn doonaan Jamhuuriga haddii uu xisbigu aad u soo dhaweynayo.

Janjeerkooda qunyarsocodka

Si kasta oo ay ahaato, markii uu bishii Julaay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump kula hadlaayey taageereyaashiisa garoonka ciyaaraha xeegada ee St. Cloud, dadkii isugu soo baxay waxaa ka mid ahaa Soomaalida Mareykanka.

Si kasta oo ay ahaato, markii uu bishii Julaay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump kula hadlaayey taageereyaashiisa garoonka ciyaaraha xeegada ee St. Cloud, dadkii isugu soo baxay waxaa ka mid ahaa Soomaalida Mareykanka.

Madaxweynihii hore wuxuu ballanqaaday in si adag loo adkeyn doono xuduudaha iyo “in la sameyn doono masaafurinta ugu badan taariikh ahaan.” Sannadkii 2016 ayuu Trump booqasho ku yimid Minnesota oo wuxuu yiri qaxootiga Soomaalida waa “masiibo.”

Siyaasiyiinta Jamhuuriga qaar ka mid ah waxay isku dayeen inay ka gaabsadaan taageerada Trump iyo hadalkiisii Soomaalida Mareykanka ee St. Cloud ku nool. Bernie Perryman, oo ah Jamhuuriga Degmada 14A ee Aqalka Wakiillada waxaa loolan adag kula jira Abdi Daisane, balse waxay isku deyday in ay iska fogeyso madaxweynihii hore.

Perryman, oo leh meherad, waxa ay ku dedaashay in ay garaacdo albaabbada si ay ula xiriirto codbixiyeyaasha degmada oo dhan, oo ay ku jiraan dadka Bariga Afrika. Badankoodu ma aha Jamhuuri ama Dimuquraadi, ayey tiri Perryman.

“Waxa aan dareemayo waa in ay rabaan in dhibka haysta laga dhageysto,” ayey tiri. “Dhibaatooyinka haysta waxay la mid yihiin kuweena: guryo la awoodi karo, waxbarasho, badqabka xaafadaha.”

Farhan Abdi, oo isagu ku noolaa St. Cloud ilaa 2006, waxa uu taageere u yahay Perryman. Farhan Abdi ololihii Jamhuuriga ayuu caawiyey, oo murashixiintooda ayuu aad u taageeray. Wuxuu sheegay inuu xisbigan GOP si fiican ula jaanqaadayo qiyamkiisa oo ay u taagan yihiin qoyska, diinta iyo xorriyadda.

“Haddii aan nahay Soomaalida Mareykanka, waxa aan rabno waa shaqo, waxaan rabnaa badqabid,” ayuu Farhan Abdi yiri.

Farhan Abdi wuxuu u codeeyey madaxweynihii hore ee Trump, oo sidaas ayaa u qorsheysan mar kale, inkasta oo uusan ku raacsaneyn qaar ka mid ah hadalladii ka-dhanka ah soogalootiga. Mamnuuciddii soogalootiga ee Trump ee dalalka Muslimiinta ayaa “aad u fogeyd”, ayuu yiri.

“Wakhtigaas, shakhsi ahaan ayuu ficilkaasi ii taabatay,” ayuu Farhan Abdi yiri. “Laakiin waxaan ogaa in uu dalkan leeyahay hab la iskula xisaabtamo iyo dheellitirnaan… balse marna isma aysan beddelin aragtideydii ahayd in aan madaxweynehaas la jiri doono.”

Hal dhinac ma wada jirno

Arrinka soogalootiga ma ahan mid u kala cad Soomaalida Mareykanka, ayuu yiri Ahmed Abdi. Muddo 20 sano ah ayuu ku noolaa magaalada St. Cloud, oo wariye ahaan ayuu ugu shaqeeyaa idaacad maxalli ah oo wararka u soo gudbisa dadka ku hadla afka Soomaaliga.

Soomaalida Mareykanka badankoodu waxay Mareykanka ku yimaadeen magangelyo ay ku soo heleen habka qaxootiga, ayuu yiri, oo waxaa laga yaabaa in ay taageeraan hadalka Trump ee ah adkeynta xuduudaha.

“Waxay yiraahdeen, 'Ma dooneyno in ay dadku sharci darro ku yimaadaan Mareykanka. Waxay ku imaan karaan sida aan ku soo galnay oo kale, si sharci ah, intii ay ka soo gudbi lahaayeen xuduudka,” ayuu Ahmed Abdi yiri.

Matt Lindstrom, oo ah bare-sare oo culuunta siyaasadda ka dhiga kulleejka St. Benedict/Jaamacadda St. John’s, waxa uu yiri Soomaalida Mareykanka badankoodu waxay joogeen dalka Mareykanka 15 ilaa 20 sano ama in ka badan, oo qaar kale oo badan ayaa halkan ku dhashay oo ku soo barbaaray. Waxa ay ka walaacsan yihiin arrimo badan oo aan ahayn soogalootiga oo keliya, ayuu yiri.

“Waxay ka walaacayaan shidaalka, iyo cuntada ay iibsadaan,” ayuu Lindstrom yiri. “Waxay ogyihiin sicirbararka jira. Waxay arkaan kiradii guryaha oo sii kordheysa.”

Waxaa intaas u dheer, Soomaalida Mareykanka qaarkood waxay qabaan in uu madaxweyne Trump mar kale abuuri karo shaqa-helid iyo shaqooyin badan, sida uu sheegay Ahmed Abdi. Muslimiin badan ayaa sidoo kale ka xumaaday taageerada maamulka Biden ee dowladda Israa'iil iyo dagaalka Gaza, ayuu yiri, taasina waxa ay saameyn kartaa in ay u codeeyaan Dimuquraadiga ama Jamhuuriga.

Bulshooyinka soogalootiga ah horumar ayey gaarayaan

Lindstrom lama uu yaabayo in la arko Soomaalida Mareykanka ee St. Cloud in ay codkooda dhiibtaan oo keliya balse waxa ay door firfircoon ku yeelanayaan maamulka iyo siyaasadda. Marka la eego labaatan sano ka hor waxa dhacaya oo dhan waa wax caado u soo ahaan jiray soogalootigii magaalada St. Cloud, ayuu Lindstrom yiri.

“Waxay dareemayaan in ay awood leeyihiin,” ayuu yiri. “Waxay qabaan baahi ah dhaqaalaha oo ay rabaan in wax looga qabto. Qaar ka mid ah baahidooda bulsho oo keliya ayaa wax looga qabtay. Balse hadda waxay haystaan wakhti, dano badan, raasumaal badan, maaliyad iyo bulsho, oo waa in ay wax kala doortaan.”

Dhinac kasta oo ay u codeeyaan, Soomaalida deegaanka badankooda waxaa u muuqata in ay helaan xuquuqdooda, sida uu sheegay Ahmed Abdi, weriyaha ku nool St. Cloud.

“Waxay ila tahay markay qaataan dhalashada waxa ugu horreeya ee ay sameeyaan waa in ay codeeyaan,” ayuu yiri. “Annagoo dhan sida sy u badan tahay, weligeen kama codeyn doorashooyinka Soomaaliya.”