Minnesota sida codbixinta loogu soo diro boostada

A pile of red "I Voted" stickers.
A pile of red "I Voted" stickers.
Paul Middlestaedt for MPR News

Halkan waxaa kuugu qoran sida boostada loogu soo diro codbixinta doorashooyinka guud ee Minnesota ka dhacaya Nofeembar iyo jawaabaha su'aalaha soo noqnoqda ee codbixinta habka boostada.

Tallaabada 1-aad) Is-diiwaangeli (haddii aadan mar hore is diiwaan gelin) 

Is-diiwaangelinta ugu horreysa lagaama rabo inaad soo raaciso waraaqda codeynta, laakiin xafiiska doorashada ayaa yiraahda sidaas ayaa dadka u fudud.

Gobolka Minnesota waxaa la iska diiwaangelin karaa ama diiwaanka laga hubin karaa intarnetka haddii uu qofka codeynaya gobolka ka haysto leysanka baabuur-wadista ama kaar ah aqoonsi. Haddii kale, qofkii raba wuxuu la soo degi karaa foomka codsiga oo waraaq ah oo boostada ayuu ku soo diri karaa ama wuxuu keeni karaa xafiiska doorashada degmada. Codsiyada waxay ku qoran yihiin 12 luuqad iyo qalabka indhoolada ama Braille. 

Haddii aad guurtay, haddii aad iska beddeshay magaca ama aadan codeyn afar sano ka dib markaad is diiwaan gelisay, waa inaad hubiso diiwaan gelintaada adigoo buuxinaya codsi kale oo ah diiwaangelin. Haddii aad ku jirto diiwaanka codbixiyaha ee Minnesota, waxaad ka hubin kartaa barta intarnetka ee Xoghayaha Arrimaha Gobolka.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Tallaabada 2-aad) Codsiga codbixinta horumariska ah

Codbixiyeyaasha Minnesota waxay sabab la'aan xaq u leeyihiin waraaqaha codeynta horumariska ah. Xataa qofkii aan rabin inuu aado goobaha codbixinta — sida marka uu jirto faayrus ku dhex faafaya gobolka oo dhan — mar kasta waa la heli karaa codeyn horumaris ah. Dadku waxay soo codsan karaan waraaqda codbixinta markii ay rabaan Maalinta Doorashada ka hor oo codsiga waxaa laga heli karaa barta intarnetka ee Xoghayaha Arrimaha Gobolka

Tallaabada 3-aad) Soo codee oo saxiix bakhshadda

Marka aad hesho waraaqda codeynta horumariska ah, iska fiiri in ay labadeeda bog si sax wax ugu qoran yihiin oo iska hubi in waraaqda codkaaga ee horumariska ah ay la socoto saddex bakhshadood: bakhshad barawn khafiif ah, bakhshad cad oo ah saxiixa iyo bakhshad cad oo boostada lagu soo celinayo.

Dabadeedna, codkaaga ku calaamadi waraaqda, geli bakhshadda barawnka khafiifka ah oo ku xir. Bakhshadda cad ee saxiixa, ku qor magacaaga, cinwaankaaga iyo lambarkaaga aqoonsiga, saxiix bakhshadda oo ku dhex rid bakhshadda dib loogu dirayo.

Doorashada 3-da Nofeembar, codbixiyeyaasha diiwaangashan uma baahna in ay haystaan markhaati u saxiixa bakhshadda codbixinta horumariska ah. Haddii aadan diiwaan gashneyn, waxaad u baahan tahay markhaati kuu saxiixa bakhshadda saxiixa. Markhaatiga waxaa noqon kara codbixiye kale oo ka diiwaan gashan Minnesota ama notaayo.

Tallaabada 4-aad) Soo dir codkaaga wakhtiga la sugayo

Sida aad ku soo celin karto waraaqda codbixinta waa boostada ama hab kale oo ah adeeg waraaqaha qaada. Waraaqda codbixinta waa in ay ku soo dhacdo shaabadda bakhshadda boostada Maalinta Doorashada — 10-ka Nofeembar ama ka hor doorashada guud. Haddaba soo dir waraaqda codkaaga goor hore oo ah wakhti kugu filan. In waraaqdaada codka la helay iyo in tirada lagu daray waxaad ka hubin kartaa barta intarnetka ee Xoghayaha Arrimaha Gobolka. 

Haddii uu wakhtigu kaa dhaco, waxaad si toos ah u keeni kartaa ilaa iyo 3-da galabnimo Maalinta Doorashada. Xusuusnow, waa inaad waraaqda doorashada keento xafiiskii doorashada ee asalkii hore kuu soo dirtay, ha geyn goobaha lagu codeeyo.

Haddii aad qof kale ka codsato in uu si toos ah kuugu geeyo waraaqdaada codbixinta, ama haddii aad adigu dad kale u geyneyso codadkooda, qofka kasta wuxuu geyn karaa ilaa iyo saddex cod oo waa inuu wato aqoonsi muujinaya magaca iyo saxiixa marka uu geynayo codadka dadka kale.