Maalinka Doorashada 2019: Waxaad u baahan tahay inaad ogaato si aad u codeyso

Election 2018 Minnesota
Dad leyn ugu jira maalintii ugu dambeysay ee codeynta hormariska ee Xarunta Codeynta Hormariska Minneapolis, 5-tii Nof, 2018, Minneapolis.
Jim Mone | AP 2018

Doorashada madaxweynaha ee 2020 oo aad loo hadal hayo awgeed, waxaa laga yaabaa inaan aad looga fekerin doorashooyinka 5-ta. Nof, 2019. Haddana bulsho kasta oo ka tirsan dadweynaha Minnesota foomka codeynta haddii ay u qaataan inaysan wax ku haysan, qaar badan ayey dan ugu jirtaa waxyaabaha muhiimka ah ee soo socda — oo waxaa ka mid ah doorashada goloha deegaanka, aftida canshuur-kordhinta guryaha ee lagu maalgeliyo iskuullada iyo doorashada guddoonka waxbarashada.

Waxa ku qoran foomka codeynta waxaad ka ogaan kartaa halkan — dabadeedna baarista aad sameyso si fiican u adeegso oo codkaaga dhiibo 5-ta Nof.

Hoos ka akhriso wax kasta oo aad u baahan tahay si aad u xaqiijiso inaad codeyn karto.

Is-diiwaangeli si aad u codeyso

Haddii aadan weli hubsan, hadda iska hubso inaad diiwaan gashan tahay. Waxaa jira siyaabo badan oo la isu diiwaan geliyo, oo weliba Minnesota maalinka doorashada ayaa la iska diiwaan gelin karaa.

Create a More Connected Minnesota

MPR News is your trusted resource for the news you need. With your support, MPR News brings accessible, courageous journalism and authentic conversation to everyone - free of paywalls and barriers. Your gift makes a difference.

Is-diiwaangelinta intarnetka

Si aad isaga diiwaangeliso intarnetka waa inaad haysato cinwaanka boostada intarnetka (email) kaasoo lagu xaqiijinayo is-diiwaan gelintaada. Intaas waxaa dheer, waxaa lagaa rabaa inaad soo gudbiso leysankaaga Minnesota ama lambarka kaarkaaga aqoonsiga.

Haddii aadan labadaas aqoonsi midkoodna haysan, waxaad isticmaali kartaa afarta lambar ee ugu dambeeya Sagaalkaaga Lambar.

Ogsoonow: Haddii aad ku jirto Minnesota Safe at Home Address Confidentiality Program (Barnaamijka Cinwaanka Qarsoodida Guryaha ee Minnesota), ha isu diiwaan gelin inaad codeyso ama intarnetka ha qorin cinwaankaaga. Waxaad xafiiska cinwaanka qarsoodida ee Safe at Home kala xiriirtaa 1-866-723-3035.

Is-diiwaangelinta habka waraaqda

Si aad isugu diiwaangeliso habka waraaqda, waa in aad daabacato foomka is-diiwaangelinta codbixinta oo ah af Soomaali.

Markaad foomka buuxiso, boostada ku soo dir ama u keen xafiiska codeynta ee degmada (county election office) ama u keen xafiiska arrimaha gobolka (Secretary of State's office) ee Saint Paul.

Dadka isku diiwaan gelinaya habka waraaqda ah waxaa loo sheegayaa in ay soo diraan foomkooda dhowr maalmood ka hor Maalinka Doorashada, sababtoo ah waraaqda boostada dhowr maalmood ayey qaadataa.

Is-diiwaangelinta Maalinka Doorashada

Minnesota dadka ka codeynaya waxay xaq u leeyihiin in ay iska diiwaan geliyaan goobta ay ka codeynayaan Maalinka Doorashada, laakiin waa in ay soo qaataan caddeyn deggenaansho oo la oggol yahay.

Haddii aadan haysan caddeynta deggenaanshaha ee la oggol yahay, codbixiye diiwaangashan oo Minnesota deggan ayaa ku damiinan kara, oo waa inuu saxiixo waraaqo caddeyn u ah deggenaanshahaaga.

Kiisaska gaarka ah ee is-diiwaangelinta

Ardeyda kuleejyada dhigata

Ardeydu waa inay isticmaalaan deegaankooda hadda meesha ay u tixgeliyaan hoy ahaan. Hoy waxaa noqon kara goob ah iskuul wax laga barto ama guriga qoyska.

Qof kasta oo ka yimaada gobol kale Minnesota wuu iska diiwaan gelin karaa, balse waa in uu qofku goobta iskuulka u tixgeliyo hoy ahaan.

Dadka ciidanka ah iyo kuwaan ahayn ee ku nool dibadda

Dadka ciidanka ah ee shaqo ugu maqan dibadda waa in ay is-diiwaangelintooda u codsadaan lammaanahooda, waalidkood,
walaalahood ama ilmo ay dhaleen oo ka weyn 18 jir.

Sidoo kale ayaa laga rabaa muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku nool dalka dibaddiisa, inkastoo ay khuseyso dadka raba in ay ku soo laabtaan Minnesota.

Darbiya-jiifka Minnesota

Qofkii darbiya-jiif ah, wuu is-diiwaangelin karaa isagoo isticmaalaya cinwaanka meesha uu inta badan seexdo.

Haddii uu qofkaasi is-diiwaangeliyo Maalinka Doorashada ka hor, Waxaa lagu dhaarinayaa meesha uu seexdo marka uu yimaado goobta codeynta. Haddii qofku is-diiwaangeliyo Maalinka Doorashada, waa in uu soo raaco codbixiye kale oo diiwaangashan oo xaqiijin kara deggenaanshaha.

Helidda goobtaad ka codeyneyso, codkaaga dhiibo

Xoghayaha arrimaha gobolka ayaa haya habka ugu fiican ee lagu helo meelaha laga codeeyo. Cinwaanka aad deggen tahay halkan ku qor. Goobaha shaqada oo dhan sharciga ayaa ku khasbaya in ay shaqaalaha siiyaan wakhti ay ku soo codeeyaan, oo haddii leynku dheeraado, waa in aan shaqada laga welwelin. Sidoo kale waa wax sharci ah in uu qof kasta codeeyo. Iska hubso inaad ogtahay xuquuqdaada codbixiye ahaan.

Ku soo codee hormaris ahaan ama maqnaansho

Minnesota waxaa la oggol yahay codeyn ah hormaris ama maqnaansho oo boosto lagu soo diro ilaa iyo Nof. 4-teeda — Maalinka Doorashada ka horreysa. Xafiisyada qaar ee magaalooyinka iyo deegaannada inta la yimaado ayaa hormaris ahaan looga codeyn karaa, haddii la rabo, laakiin hadda wakhtigaas waa la soo dhaafay. Uma baahnid in aad sabab sheegato haddii aad hormaris ahaan u codeyneyso.

Ku soo dalbo foomka codeynta hormariska intarnetka, boostada ama fakis ahaan oo ka dib markaad buuxiso iska hubso inaad ku soo celiso xafiiskii doorashada ee kuu soo diray. Waxaad soo celin kartaa ilaa saddex waraaqood haddii ay kuu soo dhiibtaan dad aan imaan karin oo ah asxaabtaada ama qoyskaaga.

Ha sugin daqiiqadaha ugu dambeeya haddii aad rabto inaad hormaris ahaan iyo boostada ku soo codeyso. Codsiga aad soo gudbiso waxaa laga shaqeyn doonaa dhowr maalmood oo xafiiska doorashada waa in ay haystaan codeyntaada Maalinka Doorashada ama codkaaga lama xisaabin doono.